Tuesday, May 21, 2024
spot_imgspot_img

Rikoodhkii Loo Diiwaangeliyey Liverpool Kulamadii Uu Ka Maqnaa Mohamed Salah .

isniin jan-8 2024-{HMC} Jurgen Klopp ayaa kaftan ku macasalaameeyey xiddiga reer Masar ee Mohamed Salah ee ka qayb-gelaya tartanka qaramada Afrika oo uu ku maqnaanayo muddo bil ah, isaga oo seegaya ku dhowaad siddeed ciyaarood oo ay kooxdiisa Reds dheeli doonto.

 

Tababaraha reer Germany ayaa yidhi: “Haddii aan kuu rajeeyo nasiib-wanaagsan, been ayaan kuu sheegayaa…”.

 

Inkasta oo uu hadalkani ahaa kaftan, haddana waxa ay xaqiiqadu tahay in tababare Jurgen Klopp uu ku muujinayay sida uu ugu baahan yahay Salah waqtigan iyo in uu ka xun yahay in waqtigan uu ka tago iyadoo waliba ay kusoo aaddan yihiin kulamo adag.

 

Tartanka FA Cup ayaa la go’aamin doonaa in ay kusii jirayso Liverpool iyo in kale muddada uu maqan yahay Salah, waxaana ay ciyaari doonaan galabta oo ay marti u noqonayaan Arsenal iyadoo haddii laga badiyo ay tartanka ka hadhi doonaan. Sidoo kale, semi-finalka Carabao Cup oo laba lugood ah ayay la ciyaari doonaan Fulham iyadoo uu Salah ka maqan yahay, halka horyaalka Premier League ee ay hoggaankiisa hayaan ay kooxo adag la ballansan yihiin.

 

Chelsea iyo Arsenal ayaa ka mid ah kooxaha ay Liverpool la ciyaarayso horyaalka Premier League muddada uu salah maqan yahay, iyadoo waliba ay labadan kooxoodba barbarro la galeen kulamadoodii hore ee xilli-ciyaareedkan.

 

Qormadan waxa aynu kusoo bandhigaynaa isbarbar-dhigga natiijooyinka Liverpool ay garoomada ka keentay kulamadii uu ka maqnaa Mohamed Salah iyo kuwii uu u ciyaaray.

 

Isugeyn, Mohamed Salah waxa uu Liverpool u ciyaaray 332 ciyaarood oo ay badiyeen 209 ka mid ah 69 barbarro ah iyo 54 laga badiyey, waxaanay muddadaas dhaliyeen 717 gool, halka iyagana laga dhaliyey 331 gool.

 

Waxa uu Mohamed Salah ka maqnaaday 31 ciyaarood oo dhamaan tartamada ah, waxaana muddadaas ay guuleysteen 21 ka mid ah, toddoba barbarro ah iyo saddex laga badiyey, halka goolasha ay dhaliyeen ahaayeen 67 iyo 31 iyaga laga dhaliyey.

 

Marka xisaabta boqollayda lagu eego, kulamadii uu Salah u ciyaaray oo ahaa 332 kulan, waxay Liverpool guuleysatay 63% halka celceliska goolashooda ciyaar walba uu ahaa 2.2 gool iyo iyadoo laga dhaliyey 1.0 ciyaar walba.

 

Celceliska boqollayda ee kulamadii uu ka maqnaaday oo 31 ciyaarood, 68% ayay guuleysteen, goolashooduna waxa celceliskoodu uu noqonayay 2.2 halka iyagana laga dhaliyey 1.0 celcelis ahaan.

 

Marka aad eegto dhinaca guulaha, waxa ay badnaayeen kulamadii uu ka maqnaa Mohamed Salah oo ay 68% badiyeen, halka kulamadii uu joogayna ay guulahoodu ahaayee 63%, waxayse iskaga mid ahaayeen goolasha ay dhaliyeen iyo kuwa laga dhaliyey.

{DAAWO MUQAALKA} Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan oo lagu soo dhaweeyay degaanka Cowmaad

Isniin 20 May 2024 {HMC}  Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan oo lagu soo dhaweeyay degaanka Cowmaad HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/6Pc5C-qF1sI

{DAAWO MUQAALKA} Wararka ugu waa weyn Soomaaliya Iyo Caalamka 20/05/2024

Isniin 20 May 2024 {HMC} Wararka ugu waa weyn Soomaaliya Iyo Caalamka 20/05/2024 HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/_qiVx6nwsmE

WARARKA