Sunday, May 19, 2024
spot_imgspot_img

Dadkii La socday Diyaaradii Shalay ku degtay Xiindheere oo Qaarkood la dilay iyo kuwa ka baxsaday AS

Khamiis -Jan-11-{HMC} Wali waxaan xog dhameystiran laga helin diyaaradda nuuca qumaatiga u kacda ee shalay u gacan gashay Al Shabaab, taas oo sida la sheegay cillad ku timid darteed caga dhigatay goob ay maamulaan Ururka al Shabaab.

 

Diyaarada Helicopterka ah ayaa waxaa ay ka so kicitantay magaalada Beledweyen ee Gobolka Hiiraan, waxaana ay ku sii jeedday Fariisimo Ciidamada Dowladda iyo kuwa deegaanka ay ku leeyihiin deegaanka Wisil ee Gobolka Mudug.

 

Balse xogo hoose oo ay ka helayso Warbaahinta Hiiraanweyn Qaramada Midoobay ayaa sheegaya in guud ahaan tirada dadka saarnaa diyaaradda ay ahaayeen sagaal ruux.

 

Xogtan ayaa sheegeeyso in dadka diyaaradda saarnaa ay kala ahaayeen Askari Soomaali ah, kalkaaliso Yuugaaandhays ah, dhaqtar Masaari ah, laba ruux oo u dhashay dalka Kenya iyo afar ruux oo ahaa shaqaalaha diyaaradda oo u dhashay dalka Ukraine.

 

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegay in Al Shabaab ay dishay dhaqtarka masaarida ah, halka askariga Soomaaliga ah iyo kalkaalisada Yugaandhayska ah ay ka baxsadeen goobta.

 

Lixda qof ee ay gacanta ku dhigeen al Shabaab ayaa lagu sheegay laba ruux oo u dhashay Dalka Kenya oo kala ah rag iyo haween iyo afarta ruux ee u dhashay Ukraine.

 

Xiriir aan la sameynayay dawlad goboladkeeda Galmudug waxa ay sheegeen in ilaa iyo haatan aan wax war ah laga hayn labada qof ee baxsaday oo aysan soo gaarin deegaannada ay ka arrimayaan.

 

Dhinaca kalae Wasiirka warfaafinta ee dawladda federaalka Soomaaliya Daa’uud Aweys Jaamac ayaa wakaaladda Reuetrs u sheegay in dhinacooda ay wadaan dadaal lagu soo furanayo dadka gacanta ugu jira Al Shabaab.

 

Diyaaradda oo la sheegay in ay ku diiwaan gashaneyd lambarka UNSOW RW 667 ayaa xogtaan lagu sheegay in ay si deg deg ah ugu degtay meel u dhaw deegaanka Xiin dheere Gobolka Galgaduud ee Maamulka Galmudug kadib markii ay Cilad ku dhacay mid kamid ah baalasha diyaaradda helicopter ka ah.

 

Arbacadii Shalay qayaasta markii ay saacaddu ahayd 01:30 pm ama duhurnimo ee xilliga Soomaaliya ayaa la sheegay in diyaaradaan ay ku dagtay duleedka Deegaanka Xiindheere oo ah goob ay Maamulaa Al shabaab.

 

Xafiiska Qaramada midoobay ee Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in guud ahaan dadkii saarnaa diyaaradda aysan ahayn shaqaale iyaga u shaqeeya.

 

Warar aana la xaqiijin oo aan ka helayno aagga ay diyaaradaan Helicopterka ah ee ku dagtay ayaa sheegaya in Al Shabaab ay jareen guud ahaan isagaarsiintii gudaha, ka hor inta aysan wadanin dadkii saarnaa diyaaradda.

 

xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa sheegay in ay joojiyeen guud ahaan duulimaadyadii ay ka sameyn lahaayeen gobolka Galgaduud, sida aan ka helnay ilo ka tirsan Qaramada Midoobay. Sidoo kale muddo 48 saacadood ah oo ka bilaabaneysa markii diyaaradaas la afduubtay ayay sheegeen in ay ay joojiyeen guud ahaan duulimaadyadooda diyaaradaha sida qumaatiga u kaca ah.

 

Waxaa la sheegay in diyaaradaan ay waday daawo iyo sidoo kale shaqaale caafimaad oo doonayay inay gargaar u fidiyaan ciidamada furimaha ku sugan.

Ciidamada nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya ee lagu magacaabo ATMIS ayaa la sheegay  in heegan laga galiyay goobaha ay diyaaraduhu isticmaalaan oo dhan.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Hiiraanweyn 18-05-2024

Sabti, May, 18, 2024 (HMC) – Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Habenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdimajiid...

{DAAWO MUUQAALKA} Wararka ugu Waa Weyn Soomaaliya iyo Caalamka ee Hiiraan 18-05-2024.

Sabti, May, 18, 2024 (HMC) –  Wararka ugu Waa Weyn Soomaaliya iyo Caalamka ee Hiiraan 18-05-2024. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/6ZdYxaTqeSk

WARARKA