Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Kooxda Kubadda Cagta Hirshabeelle oo sugeysa dhibco kale oo ay si bilaasha ku hesho kaddib

Axad jan-14 2024-{HMC} Kooxda Kubadda Cagta ee Hirshabeelle oo hadda kaalinta 3-aad kaga jirta kala sareynta Tartanka Kubadda Cagta Maamul Gobolleedyada oo sugeysay in ciyaarta u dambeysa ay la ciyaarto Kooxda Koonfur Galbeed ayaa waxa u soo yeeraya war wanaagsan oo ah in Kooxda Koonfur Galbeed ay ka baxday tartanka.

Sida uu dhigayo xeerka tartanka haddii kooxi ka maqnaato ciyaarta ay ku balansanayd, waxa dhibacaha la siinayaa kooxda soo xaadirtay, taas oo ka macno ah in Kooxda Kubadda Cagta Hirshabeelle ay mar kale helayso sedex dhibcood oo kale oo aanay u dhididin.

Kooxda ayaa horey seddex dhibcood u heshay kaddib markii la ganaaxay kooxdii la ciyaaraysay ee Banaadir, markii ciyaarta la joojiyay daqiiqaddii 70-aad markaas oo rabshado ay ka dhaceen garoonka.

Kooxda Kubadda Cagta ee Hirshabeelle haddii ay hesho dhibcaha ay dhib la’aanta sugeyso, waxay tagi doontaa todobo dhibcood, iyadoo hoggaanka u qaban doonta tartanka.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA