Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Kooxda Kubadda Cagta Koonfur Galbeed oo saaka dib ugu laabanaysa Baydhabo kaddib markii ay isaga baxeen tartanka Maamul Gobolleedyada

Axad jan-14 2024-{HMC} Ciyaartoyda Kooxda Kubadda Cagta Koonfur Galbeed ayaa goordhow lagu wadaa in ay gaaraan magaalada Baydhabo kaddib markii ay ka caroodeen sidii loo maareeyay amnigooda, xili ay ka soo laabteen ciyaar ay la dheeleen Kooxda Kubadda Cagta ee Galmudug maalintii Jimcaha, markaas oo seddex iyo eber looga soo adkaaday.

Dad taagnaa wadada uu marayay baska ciyaartoyda siday ayaa shiiday ama tuuryeeyay, halkaas oo dhaawacyo fudud ay ka soo gaareen qaar kamid ah ciyaartoydii baska saarnayd.

Maamulka ciyaarraha ee Koonfur Galbeed ayaa markaa wixii ka dambeeyay sheegayay in ay isaga baxayaan tartanka, waloow ay jireen dadaallo dhinacyo kala duwan ay wadeen oo la doonayay in kooxda lagu qanciyo in tartanka ay ku laabato.

Kooxda waxa u harsanaa hal kulan oo kaliya kaas oo ay la ciyaari lahayd Kooxda Hirshabeelle.

Kooxda Koonfur Galbeed ayaa ugu hooseysa xagga kala sareynta dhibcaha kooxaha ka qaybgalaya tartanka Maamul Gobolleedyada, iyadoo haysta seddex dhibcood oo kaliya.

Xiriirka Kubadda Cagta ee Soomaaliya ayaa horey u sheegay in tartanka la hakiyay muddo seddex maalmood ah sababbo la xiriirra rabshidihii dhacay kaddib ciyaartii Galmudug iyo Koonfur Galbeed.

Xiriirka ayaa sheegay in tartanka dib loo bilaabi doono maalinta Salaasada ah.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA