Tuesday, May 7, 2024
spot_imgspot_img

Guddoomiye xigeenka CAF oo Ka Hadlay koobka qaramada Afrika

Khamiis jan-18 2024-{HMC} Koobka Qaramada ee Qaaradda Afrika ayaa dalka Ivory Coast ka bilawday bishan January 13-keedii. Xulka koobka haysta ee Senegal ayaa gucle ugu jiro inuu sii xejisto oo uu qaado sannadkan, hase ahaatee shaqo badan ayaa sugaysa.

Senegal oo koobkan haysatey muddo laba sannadood ah, ayaa ka mid ah 15-ka dal oo koobkan hore ugu guulaystay, laga soo bilaabo sannadkii 1957.

Illaa 24 xul ayaa sannadkan iska xaadiriyey inay ka qaybgalaan koobka qaramada qaaradda Afrika, kuwaas oo loo qaybiyey illaa lix kooxood oo min afar dal ah, taas oo ay wareega xiga u gudbayaan labada dal ee ugu dhibcaha sarreeya koox kasta.

Shalay waxaa wada ciyaaray xulalka Marooko iyo Tanzania, halkaas oo xulka Marooko uu 3 goal iyo eber kaga badiyey xulka Tanzania, inkasta oo xulka Tanzania laga saaray mid ka mida ciyaartoydooda, ka dib markii la siiyey kaadhka cas. Sidoo kale xulalka Democratic Republic of Congo iyo Zambia ayaa ciyaartoodii ay ku dhamaatay barbar dhac ama hal iyo hal.

Maanta ayaa la filayaa inay wada ciyaaraan xulalka Equatorial Guinea iyo Guinea-Bissau iyo weliba xulalka Ivory Cost iyo Nigeria.

{DAAWO MUQAALKA} Wasiir ku xigeynka Wasaaradda Gaashaandhiga oo ka hadlay shirka Maareynta Hubka.

Talaado 7 May, 2024 {HMC} Wasiir ku xigeynka Wasaaradda Gaashaandhiga oo ka hadlay shirka Maareynta Hubka. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/H3cAV5_rDgc

{DAAWO MUQAALKA} Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka 07/05/2024

Talaado 7 May, 2024 {HMC} Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka 07/05/2024 HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/33It-DNrykc

WARARKA