Sunday, May 19, 2024
spot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Duqa Muqdisho iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Magaalada Bagdaad

Talaado-23-jan-2024-{HMC} Guddoomiyaha Gobolka Baanadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray Magaalada Bagdaad ee Caasimadda dalka Ciraaq, halkaasi oo lagu wado in maalinta barrito (Arbaco, 24 January 2024) uu ka furmo shirka Magaalooyinka iyo Caasimadaha Wadamada Carabta.

Guddoomiyaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa si heer sare ah Garoonka Diyaaradaha Magaalada Bagdaad ugu soo dhaweeyay madax sare oo uu ugu horeeyo Wakiilka Caasimadda Bagdaad ee Arrimaha Maamulka Eng. Safaa Maxamed Maxamuud.

Duqa Magaalada Muqdisho ayaa inta uu ku sugan yahay dalka Ciraaq waxa uu kulamo la qaadan doonnaa Madaxda dalka Ciraaq iyo Madax kala gedisan oo ka socda Caasimadaha Wadamada Carabta ee iyagu ka qeybgalaya shirkaasi.

—DHAMAAD—

{DAAWO MUQAALKA} Booliska Soomaaliya oo Xabsiga dhigay Dhalinyaro Caan ka ah Baraha Bulshada.

Axad 19 May 2024 {HMC} Howgal qaatay muddo 24 saac ah ayeey Ciidanka Boliiska Qeybta Guud kusoo qaqabteen dhalinyaro tiradoodu gaareyso 21 ruux kuwaas...

{DAAWO MUUQAALKA} Dadka Ku Nool Buunda-weyn oo ku Rajo weyn yahiin inaan Fatahaad Looga Barakicin Xaafadan

Axad May, 19, 2024 (HMC) Dadka Ku Nool Buunda-weyn oo ku Rajo weyn yahiin inaan Fatahaad Looga Barakicin Xaafadan HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/7QNYRMXU7Mg  

WARARKA