Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Kooxda Hirshabeelle oo iska xaadiriyay Finalka tartanka Dowlad goboleedyada

Talaado-23-jan-2024-{HMC} Waxaa goordhaw soo dhamaaday ciyaar xiiso badan oo galabta ku dhexmartay garoonka Kubadda Cagta Muqdisho xulalka Hirshabeelle iyo Jubbaland.

Kooxaha Kubadda Cagta ee Maamulada Hirshabeelle iyo Jubbaland ayaa wada ciyaaray kulan ka tirsan afar dhamaadka tartanka Kubadda Cagta dowlad gobolewdyada dalka iyo gobolka Banaadir.

90-ka daqiiqo ee loogu talo galay Cayaarta ayaa waxa ay kusoo dhamaaday bar bar dhac ebar iyo eber ah, waxaana inta kadib labada dhinac lagu kala saaray gool ku laadyo cidii ku awood roonaado ay ugu gudbeyso Finalka tartankaan.

Xulka Kubadda Cagta Hirshabeelle ayaana ku guuleystay gool ku laadka, kadib markii shabaqa ay ku hubsadeen 5 gool ku laad halka Jubbaland ay shabaqa ku hubsatay 4 gool ku laad, sidaasna ay guusha ku raacday Hirshabeelle.

Xulka Ciyaartooyda Hirshabeelle ayaa haatan sugeysa iney kulanka kama dambeysta ah kula tartanto xulkii maalinta berito ah guul ka gaaro kulanka darbiga ah ee u dhaxeeya Banaadir iyo Galmudug.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA