Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Maxuu yahay Sawirka hadalheynta dhaliyay ee Laga qaaday garsooraha Soomaaliga?

Arbaco jan-24 2024-{HMC}  Xulka Mauritania ayaa xalay cagta mariyay kooxda Algeria cayaartii Koobka Qaramada Afrika ee lagu qabtay Garoonka Stade de la Paix, magaalada Bouake ee dalka Ivory Coast.

Mauritania ayaa markii ugu horreysay guul ka gaartay inay u gudubto 16-ka kooxood ee ugu dambeeya isuguna soo haraya cayaarta.

Weeraryahanka qadka dhexe uga ciyaara xulka Mauritania, Yali Dellahi, ayaa goolkii guusha dhaliyay mar dambe qeybtii ugu horreysay ee cayaarta, iyagoo ka guuleystay Algeria oo labo jeer oo hore ku guuleysatay Afcon.

Cayaarta ayaa kusoo idlaatay Mauritania oo hal iyo eber uga badisay xulka Algeria.

Guuldarrada ayaa horyaalka Algeria ee 2019 uga dhigan inay isaga hareen tartanka.

Baraha bulshada dalka Algeria ayaa waxaa xalay laga hadal hayay garsooraha Soomaaliga ah ee cayaartaas dhexdhexaadinayay, Cumar Cabdulqaadir Cartan, waxaana la isla dhex marayay sawirka Cumar oo gacanta qoorta uga haya weeraryahanka Algeria Youcef Belaili.

Dadka ayaa siyaabo kala duwan u fasirtay sawirkaas, iyadoo qaar ay ku tilmaameen in dagaal dhex maray garsooraha iyo weeraryahanka.

Baraha bulshada dalkaas ayay dadku qaar ku sheegayeen in garsoore Cumar uu qoorta kasoo qabtay weeraryahanka xilli ay ciyaartu socotay. Balse waxaa la xaqiijiyay inuusan jirin wax dagaal ah.

Cumar Cabdiqaadir Cartan oo ah aabbe xaas iyo hal wiil leh waxaa sanadkii 1995-tii uu ku dhashay xaabada Buulo-xuubeey ee degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho.

Heerkiisa waxbarashada hoose, dhexe iyo sare ayuu ku qaatay isla Muqdisho isagoo heerka kowaad ee jaamacada ku qaatay daraasaadka horumarinta.

Wuxuu BBC-da u sheegay inuu heerka uu gaaray arsoorka kubadda cagta ee Qaarada Afrika ay ugu suurto gashay dadaal shaqasi ahaaneed oo muujiyey iyo kordhinta aqoontisa.

Wuxuu sidoo kale sheegay inuu rajaynayo inuu qaban doono kulamo waaweyn oo ka tirsan koobka aduunka.

 

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA