Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Maxay tahay macdanta qaaliga ah ee laga helay Kenya?

Khamiis 25-jan-2024-{HMC}  Kenya ayaa heshay keydkii ugu horreeyay ee macdanta Coltan ee qaaliga ah, sida uu sheegay wasiirka macdanta.

Macdanta naadirka ah ayaa loo isticmaalaa in lagu sameeyo baytariyada baabuurta korontada ku shaqeeya, telefoonnada gacanta iyo qalabyada kale ee elegtarooniga ah.

Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Kongo waxay haysataa in ka badan 70% kaydka korantada adduunka, kaas oo tobannaan sano hurinayey colaado rabshado wata oo ka dhacay bariga dalkaas.

Ma cadda inta ay le’eg tahay kaydadka Coltan ee laga helay Kenya.

Saraakiisha wasaaradda Macdanta ayaa hore uga dhawaajiyay in Kenya ay heli karto raadadka macdanta aadka u qaaliga ah, balse Wasiirka Macdanta, Dhaqaalaha Buluugga ah iyo Arrimaha Badaha ee Kenya Salim Mvurya ayaa Arbacadii sheegay in ku dhawaaqistiisa ay la macno tahay “hadda in rajadaas ay rasmi noqotay” oo Kenya ay leedahay kaydka Coltan.

Kaydka macdantan ayaa laga helay lix gobol oo dalka Kenya kamid ah, balse ilaa hadda lama ogaan karo qiimaheeda inata uu la egyahay.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA