Saturday, March 2, 2024
spot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Duqa Muqdisho oo shirweyne kaga qeyb galay magaalada Baqdaad

Jimco jan-26- 2024-{HMC} Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa ka qaybgalay shirka Magaalooyinka iyo Caasimadaha Carabta oo ka dhacay Magaalada Bagdaad ee dalka Ciraaq.

Shirkan ayaa lagu soo bandhigay waxqabadkii uu gaaray ururka Magaalooyinka Carabta sanadkii la soo dhaafay, Qorshayaasha loo baahanyahay si horumar ballaaran loo gaarsiiyo Caasimaddaha Carabta iyo sidii loo ansixin lahaa ajendayaasha shirka soo socda, oo ay dhamaan isku raaceen madaxda shirka ka qeybgaleysa.

Gaba-gabadii Shirka Duqa Maagalada Bagdaad ee Caasimadda dalka Ciraaq Mudane Camaar Muuse Kaadim ayaa Hadiyad qaali ah guddoonsiiyay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdsho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale).


—DHAMAAD—

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn 01-03-2024

Jimco – March-01-2024-{HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo :Abdirahmaan muuse osman Farsamadii :Mohamed...

{DAAWO MUUQAALKA} Wararka ugu waa weyn soomaaliya iyo caalamka.

Jimco – March-01-2024-{HMC} – Wararka ugu waa weyn soomaaliya iyo caalamka. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/CiXMk-oMJ14

WARARKA