Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Israel oo duqeysey xarunta Q/Midoobay ee Khan Younis

Jimca jan-26- 2024-{HMC} Tirada dadka la dilay ka dib markii la duqeeyay xarun Qaramada Midoobay ku leedahay Khan Younis ayaa kor u dhaaftay 12 qof sida uu sheegay agaasimaha heyadda UNRWA Thomas White oo bayaan uu soo saaray.

Ugu yaraan 75 kale ayaa ku dhaawacmay, 15 ka mid ah ayaa xaaladoodu liidataa, ayuu yiri White.

Qayb ka mid ah xarunta tababarka ee UNRWA, oo martigelinaysay kumannaan qof, ayaa lagu garaacay laba madfac oo sababay dab qabsaday, ayuu yidhi White.

Shaqaalaha Qaramada Midoobay ayaa ku guuleystay inay gaaraan goobta, galbeedka Khan Younis, ka dib markii loo diiday dhowr jeer, ayuu yiri White.

“Weerarada joogtada ah ee lagu hayo goobaha rayidka ee Khan Younis waa wax aan la aqbali karin oo waa in si degdeg ah loo joojiyo,” ayuu yiri White.

Ciidamada Israel ayaa meesha ka saaray in weerar cirka ah ama madaafiic ku garaaceen xarunta Qaramada Midoobay, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay.

“Kadib markii la baaray nidaamyadayada hawlgallada, IDF waxa ay hadda meesha ka saartay in shilkani uu ka dhashay duqeyn cirka ah ama madaafiicdeena ,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Isreal ayaa sheegtay in dib u eegis dhameystiran lagu sameynayo howlgallada ciidamada ee agagaarka goobaha rayidka,” iyadoo raacisay in la baarayo suurtagalnimada in weerarka uu ka dhashay rasaasta Xamaas.

Toddobaadkii la soo dhaafay, Israel waxay xoojisay duullaanka ay ku hayso Khan Younis, halkaasoo hoy u ah dadka rayidka ah ee barokacay iyo shaqaalaha caafimaadka..

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA