Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Israel oo ka carootay go’aanada maxkamada ICJ

Jimca jan-26- 2024-{HMC} Mark Regev, oo ah la taliyaha sare ee ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu, ayaa sheegay in Koonfur Afrika “ay ku guuldareysteen inay ka soo baxaan ujeeddooyinkoodii” ee ahaa inay ku qasbaan xabbad-joojin colaadda Israa’iil iyo Gaza.

“Waxa ugu muhiimsan ayaa ah in maxkamaddu ay diiday dalabka yaabka leh ee Koonfur Afrika, ee ah in Israa’iil aan la siin xaqa ay isku difaacdo,” ayuu Regev u sheegay BBC.

Regev waxa uu sheegay in Israa’iil aysan tilmaamin in aysan raaci doonin awaamiirta Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda balse waxa uu sheegay in ay tahay “wax laga xumaado” iyo “wax laga xishoodo” in heshiiska looga hortagayo xasuuqa ay Xamaas u maroorsato Koonfur Afrika.

Waxa uu intaa ku daray in jawaabta Israel ay ka bixisay weeraradii 7-dii October ay ahayd “isku-duwidda sharciga caalamiga ah” wuxuuna su’aal galiyay tirada dhimashada Gaza ee ku dhawaad ​​26,000 oo qof – isaga oo sheegay in ay ka timid wasaaradda caafimaadka ee Xamaas ay maamusho iyo in garsoorayaasha ICJ laftoodu ay sheegeen in aysan jirin waddo si loo xaqiijiyo lambarkaas.

“Waxaan hubnaa ka Israa’iil ahaan in tiro badan [dadka lagu dilay Gaza] ay yihiin dagaalyahanno, sidaas darteedna bartilmaameedyo sharci ah oo loogu talagalay howlgalka milatari ee Israel”.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA