Sunday, April 28, 2024
spot_imgspot_img

Jawaahir Baarqab oo ka hadashay waxa ku kalifay taageeradii badneed ee xulka Banaadir

Jimco jan-26- 2024-{HMC} Waxaa si weyn Baraha Bulshada hadal hayn ugu abuuray hadalo ay jeedisay Gudoomiyaha Haweenka Gobolka Banaadir, Jawaahir Maxamuud Jaamac ‘Baarqab’, kuwaas oo ay taageero ugu muujisay ciyaartooyada matalaysay gobolka Banaadir ee ciyaaraha maamul goboleedyada dalka oo hadda heer gabagaba ah gaaray.

Muuqaalo taageero ah oo ku baahay baraha bulshada ayaa muujinaya Jaawahir oo ku qaylineysa erayo ay kamid yihiin ‘viva Banaadir’, iyaga oo hadal hayn dhaliyay.

Dadka qaar oo ka falciyay muuqaladaas ayaa ku tilmaamay in ay yihiin kuwa kala qaybin ah. “Guddoomiye Jawaahir Baarqab oo ciyaarihii socday u kala saartay gobol-gobol xiisad qabiileedna ka abuurtay”, ayuu batriisa Facebook ku qoray mid kamid ah dadkii fikirkooda dhiibtay.

Laakiin Jawaahir Baarqab oo BBC-da la hadashay ayaa sheegyay inay iyadu isu aragto “qofkii dhadhanka u yeelay ciyaaraha”, ayna uga dan lahayd inay muujiso in ciyaaruhu yihiin kuwo is dhexgal bulsho ah oo u baahan taageero iyo kaftan.

“Ciyaarahu hadda ma bilaaban ee waligeed waa la soo ciyaarayey Soomaaliya marka anigana waxaan ahaa qof ciyaartoy ah, cid gaarana uguma dan lahayn” ayey BBC u sheegtay Jawaahir.

Jawaahir ayaa ku dooday in gobol walba dadkiisu ay xaq u leeyihiin in ay taageero muujiyeen, iyaga oo soo xiranaya calamada iyo astmaaha kooxdooda iyo goboloodaba, iyada ay intaas oo kaliya samaysay.

Balse dadka qaar ee dareenkooda cabiray iyaga oo isticmaalaya baraha bulshada ayaa ku tilmaamay taageerada Jawaahir “Mid ka badbadis ah”. Waxay BBC da u sheegtay in u jeedkeedu uusan ahayn in ay dad ka xanaajiso, balse ay rabtay in hadalhaynta iyo xifaaltanka taageerada ciyaaraha uu noqdo waxa ay arki karaan qurba joogta iyo Soomaalida oo dhan – taas oo ay sheegtay in ay muujinayso in amniga Muqdisho uu soo hagaagayo.

Intii uu socday tartanka ciyaaraha ee dawlad goboleedyada dalka ayaa waxaa isaga haray kooxdii ka socotay Koonfur-galbeed Soomaaliya, kadib markii weerar lagu qaaday.

Ciyaartoyda kooxda qaar ayaa dhaawacyo ka soo gaareen dhagaxaan lagu tuuray. Xilligaas ayaa dadka qaar dhaliil u soo jeediyeen Jawaahir. Balse iyadu mar kale ayay iska diiday in ay dhiirrigalisay gacan ka hadal.

“Koonfur Galbeed qofkii jidka u galay iyo kii shalay wax qarxinaayay waxba isma dhaamaan. Anigu qabiil ma sheegib, qoysna gaar ahna ma sheegin”, ayay BBC u sheegtay Jawaahir. “Nabad iyo horumarka ayaan ka soo shaqaynayay”.

Muuqaal kale ayaa ku baahay baraha bulshada – Jawaahir Barqab oo lacago ugu deeqaysa kooxda gobolka Banaadir. Waxaan waydiinay halka ay ka keentay lacagtaas?

Waxay sheegtay in lacagtaas ay iyadu bixisay, aysanna ka imaan meel kale.

“Waxaan sidaa u samaynayey in dadka taageerada u ah maamualada kale inay kooxahooda dib ugu noqdaan oo ay dhaqaale ugu yaboobaan, wayna dhacday,” ayay tiri Jawaahir.

Iyadoo sii hadlaysay ayey Jawaahir xustay inay ka xuntahay in si qaab daran loo siyaasadaynayo ciyaaraha oo ah shayga midayn kara dadka Soomaaliyeed, waxayna ugu yeertay in ciyaaruhu yihiin kuwa ka hortaga qabyaalada iyo kala qoqobka dadka Soomaalida ah.

          Waa tuma Jawaahir Maxamuud Jaamac ‘Baarqab’?

Jawaahir Maxamuud Jaamac ‘Baarqab’ waxay dhamaadkii lixdamaadkii ku dhalatay degamada Hodan ee magaalada Muqdisho, heerkeeda waxbarasho ayaa gaarsiisan dugsiga sare oo ay kaga baxday magaalada Muqdisho.

Waxay ka mid ahayd dadkii burburkii dalka ka dib deganaashaha ka helay dalka UK, waxay BBC-da u sheegtay inay dalka dib ugu soo noqotay si ay qayb uga noqoto haweenka u taagan nabada iyo hourmarka dalka.

Waxay ka mid ahayd haweenkii ka qayb qatay bilic-soo-celinta Muqisho. Jawaahir ayaa hadda waa gudoomiayaha Haweenka gobolka Banaadir.

Intii ay dhalinyarada ahayd waxay aad u jeclayd ciyaaraha iyadoo noqotay ciyaaryahanad kubada koleyga ah.

Ciyaaraha Maamul goboleedyada ayaa hadda socda iyada oo maamul goboleedyada Hirshabeele iyo Galmudug ay gaareen kulanka kama danbaysta ah ee tartanka.

Ciyaaraha dawlad goboleedyada ee sanadkii hore ayaa waxaa qaaday koobka xulka gobolka Banaadir oo ka adkaaday xulka Galmudug kadib ciyaar adag oo dhexmartay.

Xigasho BBC

{DAAWO MUQAALKA} Beesha Biimaal oo hubkooda qaatay si ay isaga difaacaan Xooha AS.

Axad 28, April  2024 {HMC} Beesha Biimaal oo kamid ah beelaha dago Gobolka shabellaha hoose ayaa Caawa la so baxay hubkooda si ay iskaga...

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {28-04-2024}

Axad 28, April 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Habenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ;Abdiqani Osoble Farsamadii...

WARARKA