Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Mareykanka oo hakiyay dhaqaalihii UNRWA iyadoo 12 qof shaqada laga eryay 7dii Oktoobar

Jimca jan-26- 2024-{HMC} 12 ka mid ah shaqaalaha UNRWA – hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga Falastiin – ayaa laga joojiyay heshiisyadii ay ku shaqeynayeen ka dib markii maamulka Israel ay ku eedeeyeen inay ku lug lahaayeen weerarradii 7-dii Oktoobar.

Mareykanka ayaa sheegay in ay si ku meel gaar ah u hakiyeen dhaqaalihii ay siin jireen UNRWA iyada oo dib u eegis ku sameyneysa eedeymaha.

Guddoomiyaha guud ee UNRWA Philippe Lazzarini ayaa bayaan uu soo saaray ku yiri: “Maamulka Israa’iil waxa ay UNRWA siiyeen xogta ku saabsan ku lug lahaanshaha lagu eedeeyay dhowr shaqaale UNRWA ka tirsan weeraradii argagaxa lahaa ee lagu qaaday Israa’iil 7-dii Oktoobar.

“Si aan u ilaaliyo awoodda hay’addu u leedahay bixinta gargaarka bini’aadantinimo, waxa aan qaatay go’aan ah in aan si deg-deg ah u joojiyo qandaraasyada shaqaalahan oo aan bilaabo baaritaan si aan xaqiiqada u ogaanosi degdeg ah.

Shaqaale kasta oo ka tirsan UNRWA oo ku lug lahaa falal argagixisanimo waa lala xisaabtami doonaa, oo ay ku jirto dacwad ciqaabeed.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA