Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Maxkamadda sare ICJ oo soo saartay go’aano ay tahay inay Israel fuliso

Jimca jan-26- 2024-{HMC} Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda ayaa hadda amar ku bixisay in Israa’iil ay qaado tallaabooyin degdeg ah oo isku xigxiga oo waxloo qabanayo xaalada Gaza , laakiin maxkamada ma dalban xabbad joojin.

Tallaabooyinkan ayaa Israa’iil loogu sheegay in ay samayso wax kasta oo ay awoodo si ay u joojiso xasuuqa halkaas ka socda, isla markaana ay si degdeg ah u suurtogeliso in gargaar degdeg ah la gaarsiiyo dhulka Gaza iyo in laga hortago oo la ciqaabo kuwa hurinaya xasuuqa iyo colaadda.

Dhageysiga dacwadda ka socota maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda ee magaalada Hague ayaa qeyb ka ah dacwad ay soo gudbisay Koonfur Afrika oo ay ku eedeysay Israa’iil in ay xasuuq u geysatay Falastiiniyiinta.

Israa’iil ayaa si adag u diiday eedeynta, waxaana loo malaynayaa inay iska dhega tirtay awaamiirta garsoorayaasha, kuwaas oo aan haysan hab ay ku fuliyaan go’aankooda.

Garsooraha maxkamadda, Joan Donoghue, ayaa ku baaqday in si shuruud la’aan ah loo sii daayo la haystayaashii ay Xamaas qafaasheen bishii Oktoobar.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA