Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Militariga Mali oo soo afjaraya heshiis nabadeed oo ay la galeen fallaagada Tuareg

Jimca jan-26- 2024-{HMC} Hogaamiyaasha millatariga Mali ayaa soo afjaray heshiis nabadeed 2015kii oo ay la galeen fallaagada Tuareg ee waqooyiga dalka, tallaabadaas oo sii khalkhal gelin karta xasilloonida qaranka ku yaalla saxaraha Sahel.

War qoraal ah oo laga akhriyay telefiishanka dawladda, ayuu af hayeenka ciidamada milateriga Col Abdoulaye Maïga ku sheegay in ay heshiiska u soo afjareen “isbeddel ku yimi [mawqifka] kooxaha saxiixayaasha qaarkood” iyo “filalka cadaawadda ah” ee dhexdhexaadiyaha heshiiska, ee Algeria.

Heshiiska nabadeed ayaa loo arkayay mid fure u ah ilaalinta xasiloonida dalka, maadaama Tuaregs ay tan iyo sanadkii 2012-ka fulinayeen falal rabshado ah oo ka dhan ah dowladda dhexe.

Ma jiro wax jawaab ah oo ka soo baxay dowladda Algeria.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA