Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Roog cas iyo teendhooyin laga xaday madaxweyne dal Afrikaan ah oo la helay

Jimca jan-26- 2024-{HMC} Booliska dalka Malawi ayaa soo helay roogga cas ee madaxweynaha dalkaas oo laga xaday Koonfurta magaalada Mwanza oo u dhow xuduudda dalka Mozambique.

Habaaenimadii arbacada ayaa la xaday roogga iyo sidoo kale teendhooyin, iyadoo la filayay in jimcaha maanta uu madaxweynaha Malawi, Lazarus Chakwera khudbad u jeediyo dadweynaha.

Ilaa hadda, waxaa la soo xiray laba nin oo looga shakisanyahay inay xadeen rooggaasi cas, sida uu sheegay afhayeenka booliska.

Labada nin ayaa looga shakisanyahay inay agabkaas ka xadeen baabuur ay leedahay wasaaradda gaadiidka iyo arrimaha bulshada xili uu marayay wadada isku xirta magaalooyinka Zalewa-Mwanza

dhacdadan ayaa ku soo beegmeysa maalmo un kadib markii dad aan heybtooda la qaoon ay jabsadeen oo ay wax ka xadeen xafiiska madaxweyne ku xiigeenka dalkaas Malawi, Saulos Chilima.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA