Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Wadaad ku baaqay in weerar lagu qaado Abiy Axmed oo dacwad lagu soo oogay

Jimca jan-26- 2024-{HMC} Dacwad oogayaasha waddanka Itoobiya ayaa wadaad caan ah oo ku baaqay in weeraro lagu qaado raysal wasaaraha dalkaas, Abiy Axmed ku soo oogay dacwad

Abuna Lukas, oo ah hoggaamiyaha kaniisadda Orthodox-ka, ayaa hadal heyn badan dhaliyay bishii la soo dhaafay kadib markii uu sheegay in ra’iisul wasaaruhu uu dalka ku xukumayo “awoodo shaydaan ” wuxuuna ku baaqay in Abiy “dhagax looga dhufto wejiga”.

Abuna oo hadalkan ka jeediyay Mareykanka, ayaa sidoo kale cambaareeyay weerarrada xaga cirka ah ee ay fulineyso dowladda Itoobiya iyadoo ciidamadu la dagaalamayaan kooxo hubeysan oo kala duwan guud ahaan dalka.

Ma cadda in Abuna la maxkamadeyn doono isagoo maqan, maadaama uu ku suganyahay meel ka baxsan dalka.

Itoobiya ayaa ku dhawaad lix bilood ka hor ku dhawaaqday xaalad deg deg ah oo ka taagneyd gobolka waqooyi-galbeed ee Axmaarada, kadib markii ay isku dhaceen maleeshiyaad deegaanka ah iyo ciidamada dowladda.

Wareegtada ayaa ku eg todobaadyada soo socda.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA