Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Antonio Guterres oo War uu aad uga naxay loo sheegay kuna baaqay baaritaan deg deg ah

Sabti jan-27- 2024-{HMC} Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Falastiiniyiinta ee UNRWA,ayaa lagu eedeeyay in qaar ka mid ah shaqaalaheeda gaar ah ay ku lug lahaayeen weerarradii kooxda Xamaas ku qaadeen 7-dii Oktoobar dhulka ay maamusho Israa’iil

 

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in uu aad uga naxay warkan loo soo sheegay, waxa uuna ku baaqay in baaritaan deg deg ah lagu sameeyo

 

Waxa uu sheegay in arrintan ay tahay mid aan la aqbali karin oo ceyb ah, waxa uuna faray saraakiil katirsan Qaramada Midoobay in baaritaano deg deg ah lagu sameeyo jiritaanka warkan sida weyn u baahay

 

Dowladda Mareykanka ayaa durba qaaday tallaabooyin deg deg ah kaddib markii la baahiyay fadeexada hay’adda UNRWA, waxa ayna Mareykanka ku dhawaaqeen in ay joojinayaan dhaqaalihii uu siin jireen hay’adda UNRWA

 

Weerarkii Xamaas ku qaaday 7-October ee sannadkii hore ayaa lagu dilay in ka badan 1,300 qof oo Israa’iiliyiin u badnaa, waxa uuna weerarkaasi abuuray weerar kale oo falcelin ah oo Israa’iil ku bur burisay Gaza kuna dishay dad ka badan 23-kun oo qof oo shacab ah.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA