Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Gudoomiyaha Degmada Baladweyne oo Kormeeray Saldhiga Booliska Magaalada

Sabti jan-27- 2024-{HMC} Gudoomiyaha Degmada Baladweyne Mudane, Cumar Cismaan Calasoow ayaa Manta Booqday Saldhiga Booliska Magaalada Baladweyne ee Gobolka Hiiraan, waxaana Halkaasi kusoo dhaaweeyay Saraakiisha Madaxda Ciidamada Booliska Maamulka Hirshabeelle.

Soo dhaweyn kadib, Gudoomiyaha ayaa Kormeeray, Xafiisyada ay ku shaqeeyaan Ciidamada Booliska kuwaas oo dadweynaha loogu adeego iyo qeeybta Xabsiyada ay ku xiran yahiin Maxaabiista Ciidamada Booliska ay soo qabtaan.

Taliyaha Saldhiga Booliska Baladweyne Dhame Cabdullaahi Mahamuud Siyaad iyo Taliye xigeenka Ciidamada Booliska ayaa sheegay in ay ku faraxsan yahiin Kormeerka Manta Gudoomiyaha degmada uu ku sameeyay Saldhiga Booliska Baladweyne. Si uu arko shaqooyinka ay Ciidamada ay haayan.

Gudoomiyaha Degmada Baladweyne Cumar Cismaan Calasoow ayaa ayaa khudbad u jeediyay Boqolaal Ciidamo Boolis ah oo Saldhiga ku sugnaa. Waxaa uu kula dardaarmay in ay sii laba jibaaran Sugitaanka Amaanka Magaalada Baladweyne.

Ugu Dambeeyn Gudoomiyaha ayaa faray Ciidamada Booliska in amniga iyo xasiloonida magaalada laga shaqeeyo si looga hortago falalka liddiga ku ah amaanka ay ugu horeeyaan kooxaha Al.shabaab oo marweliba dhibaatada ku ah bulshadeena .

{DAAWO MUUQAALKA} Xildhibaan Yuusuf Geelle Madaxweynaha waa in uu Dhageystaa Baarlamaanka Albaabadana uu Furaa”

Sabti 27 July 2024 {HMC} Xildhibaan Yuusuf Geelle Madaxweynaha waa in uu Dhageystaa Baarlamaanka Albaabadana uu Furaa" HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Wasiir Khadiija ”Waxaan Rabnaa Xamar weyne oo sidaan ka Badalan”

Sabti 27 July 2024 {HMC} Wasiir Khadiija ''Waxaan Rabnaa Xamar weyne oo sidaan ka Badalan'' HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA