spot_imgspot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland oo kormeeray xero ay ka baxeen ciidamada Itoobiya

Sabti jan-27- 2024-{HMC} Madaxweyne ku xigeenka 1-aad ee Jubaland ahna ku simaha Madaxweynaha Mudane Maxamuud Sayid Aadan ayaa maanta kormeer ku tagay Xerada Ciidanka ee Madhamaato ee kutaalla duleedka Kismaayo

 

Xeradan ay maanta booqdeen masuuliyiintan katirsan maamulka Jubbaland oo ay dhawaan ka guureen ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ahaa howlgalka nabad ilaalinta ee ATMIS

 

Xeradan oo ay la wareegeen ciidamada hay’ada Nabadsugida iyo Sirdoonka Jubaland ayuu Madaxweynahu warbixin la xiriirta ka dhagaystay Sarakiisha Ciidamada ee la wareegay xeradan oo ay in mudo ah daganayeen Ciidamada ATMIS gaar ahaan kuwa kasocday dalka Itoobiya

 

 

WARARKA