Sunday, May 5, 2024
spot_imgspot_img

Itoobiya oo Qoraal ay kaga been abuureyso xad-gudubka ay kula kacday Soomaaliya u dirtay Qaramada Midoobay.

Sabti-jan-27- 2024-{HMC} Dowladda Ethiopia ayaa qoraal xasaasi ah oo ay uga been abuureyso xad-gudubka ay kula kacday madax-banaanida Soomaaliya u dirtay safiirkeeda u fadhiya Qaramada Midoobay.

Qoraalkan oo ay ku sheegtay in ay dowladda federalka Soomaaliya ku ogeysiisay heshiiskii Addis Ababa, ayaa looga dan leeyahay baajinta dood uu Golaha Ammaanka ka yeesho is-afgaradkii ay 1-dii bishaan Itoobiya iyo Somaliland kala saxiixdeen.

Itoobiya waxay ku andacoonaysaa in dekadda ay doonayso ay tahay mid ganacsi qaybna ka ah xiriirkii iskaashi ee kala dhexayn jiray Somaliland ee dhanka badda, ganacsiga, maalgashiga, beeraha, caafimaadka, ammaanka, waxbarashada, tamarta, iyo kaabayaasha dhaqaalaha.

“Golaha Ammaanka ee Midowga Afrika ayaa gacanta ku hayo arrinka, waxayn u magacaabeen Madaxweynihii hore ee Nigeria Olusegun Obasanjo in uu dhex-dhexaadiye ka noqdo,” ayaa lagu yiri qoraalka Itoobiya oo lagu sheegay inay taasna (dhexdhexaadinta) diyaar u tahay, sidaas daraaddeedna aysan meel uga banaanayn Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Ujeedka qoraalka waa in ay Itoobiya marin habaabiso, jahwareerna ku riddo Golaha Ammaanka, iyada oo ku doodaysa in heshiisku uusan xad-gudub ku ahayn gobonnimada iyo madax-banaannida Soomaaliya, xiisadna ka dhex abuuraynin labada dawladood dhexdooda, xasillooni-darrina ka dhalinaynin gobolka.

Qodobada ugu weyn ee qoraalka Itoobiya ku jira ayaa kala ah;

1- Qoraalka waxaa lagu sheegay in dekeddu tahay mid ganacsi, maadaama ganacsiga uu yahay arrin dunidu wada ogoshahay.

2- Wuxuu ka aamusay ictiraafka Somaliland, wuxuuna ka gaabsaday ka hadalka saldhigga milateriga.

3- Wuxuu sheegay in ay ogeysiiyeen dawladda Soomaaliya, si loogu suureeyo in Is-afgaradka uu la mid yahay kuwii ay horay ula geli jireen Somaliland.

5- Wuxuu taageerayaa go’aanka Golaha Ammnaaka ee Midowga Afrika ee iyaga danta u ahaa iyo dhex-dhexaadinta Obasanjo oo lagu yaqaan u qareemidda ictiraaf raadinta Somaliland.

Arrintan ayaa imaneysa xilli Golaha Dhexe ee Xisbiga Itoobiya xukuma uu shalay meel-mariyey in is-fagaradka loo beddelo heshiis buuxa oo dhaqangal ah, waxaana muuqata in Itoobiya wadda kasta ay u marayso in ay xaqiijiso hadafkeeda helitaanka bad.

{DAAWO MUQAALKA} Waa tuma gabadha Muslimadda ah ee noqotay taliyaha ciidank cirka Dalka Kenya?

Axad 5, May 2024 {HMC} Maj Gen Fatuma Gaiti Ahmed ayaa noqotay haweenaydii ugu horreysay ee taariikhda dalka Kenya loo magacaabo Taliyaha Ciidamada Cirka...

{DAAWO MUUQAALKA} Mareykanka oo Rwanda ku eedeeyay duqeyn lala eegtay xero barakac

Axad 5, May 2024 {HMC} Mareykanka oo Rwanda ku eedeeyay duqeyn lala eegtay xero barakac HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/JcWyKx1QWFc

WARARKA