Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Qoys dil wadareed loogu gaystay degaan hoos taga gobolka Mudug

Sabti-jan-27- 2024-{HMC} Shan ruux oo hal qoys ka soo jeeda ayaa saacadihii la soo dhaafay lagu dilay weerar dabley hubaysan ka fulisay nawaaxiga degmada Saaxo ee galbeedka gobolka Mudug.

Dadka la dilay ayaa waxaa ku jira haween iyo carruur sida ay sheegayaan wararka halkaas naga soo gaaraya

Guddoomiyaha gobolka Mudug ee maamulka Puntland oo warbaahinta u xaqiijiyay dhacdadaasi ayaa tacsi u diray guud ahaan qoyskii iyo eheladii ay ka baxeen dadkii ku dhintay weerarka.

Warar qaar ayaa sheegaya in weerarkan uu salka ku hayo aanooyinka qabiilka.

Kooxda weerarka geysatay oo aan weli lagu guulaysan in gacanta lagu soo dhigo ayaa sida la sheegayo ka yimid dhinaca degaannada Galmudug.

Dilalka iyo weerarada aanooyinka qabiil ayaa had iyo jeer ku soo laalaabta degaano ka tirsan gobolka Mudug kuwaasoo ay geystaan dabley ka soo jeeda degaanada Galmudug iyo Puntland.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA