Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Saraakiil ciidan oo tagay deegaanka CAAD oo Al Shabaab weerar culus ku qaadeen

Sabti-jan-27- 2024-{HMC} Saraakiil katirsan ciidanka xoogga dalka ayaa gaaray deegaanka Caad ee gobolka Mudug, halkaas uu dhawwaan ka dhacay dagaal dhiig badan ku daatay , kaddib markii Al Shabaab weerar culus oo qaraxyo ku bilowday ku qaadeen.

Taliyaha qeybta 21-aad ee ciidanka dhulka xoogga dalka G/le sare Cabdi Salaad Cali iyo saraakiil kale ayaa gaaray deegaanka Caad, si ay u dhiiro geliyaan ciidanka xoogga iyo kuwa deegaanka ee iska difaacay weerarkii Al Shabaab.

Taliyaha iyo saraakiisha kale ee la socotay ayaa soo indha indheeyay goobihii dagaalka ka dhacay, waxa ayna saraakiishii goobta joogtay u sheegeen in Al Shabaab lagu jabiyay weerarkii ay soo qaadeen loogana dilay xubno badan.

Weerarka ka dhacay deegaanka Caad ayaa dhaliyay khasaaro badabn oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo labada dhinac soo kala gaaray, waxa ayna labada dhinac mid kasta guulo waa weyn ka sheegteen dagaalka caad ka dhacay.

 

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA