Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

War Cusub Maraykanka oo Turkiga ka iibinaya 40 Diyaarad oo ah F-16

Sabti-jan-27- 2024-{HMC} Maraykanka ayaa Turkiga u ogolaaday in uu ka iibiyo diyaaradaha qaaska u ah gaar ahaan nooca loo yaqaan F-16 oo lagu qiimeeyay lacag dhan $23 Bilyan oo Doollar sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiin katirsan waaxda difaaca Dalkaas.

Tallaabadaas waxa ay ka dhalatay kaddib markii Turkiga uu Dalka Sweden u ogolaaday in uu xubin ka noqdo Isbahaysiga NATO, waxaana jiray ballanqaad Washington ay u samaysay Ankara oo ku xirnaa in ay aqbasho in Stockholm xubin ka noqoto ururkaas.

Dowladda Maraykanka ayaa sidoo kale waxa ay billowday in diyaaradaheeda Casriga ah ay ka iibiyo Dalal sida Giriigga maadaama dalkaas uu horay Washington uga dalbaday in ay ka iibiso 40 Diyaarad oo ah nooca casriga ah.

Maraykanka ayaa doonaya in uu dhaqaale badan ka sameeyo diyaaradahiisa casriga ah oo uu ka ibiinayo Dalalka uu u arko in ay saaxiibo isku fiican yihiin waana tan keentay in Washington ay diiradda ay saarto saaxiibadeed bariga Dhexe.

Turkiga waa Dalka haya hubka Isbahaysiga NATO waxaana uu in muddo ah diidanaa in Sweden ay ku biirto isbahaysigaas kaddib markii Ankara ay sheegtay in dhiggeeda Stockholm martigelisay Dad halis ku ah amniga Dalkaas.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA