Sunday, May 5, 2024
spot_imgspot_img

WAR DEG DEG AH Duqeyn Galabta laga Fuliyay Deegaano Ka tirsan Gobolka Hiiraan

Sabti-27-jan- 2024-{HMC} Ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya oo kaashanaya kuwa dadka deegaanka ayaa goordhaw howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanka Buq aqable oo ka tirsan gobolka Hiiraan.

Howlgalka ayaa la sheegay inuu si gaar ah uga dhacay goob garaash ah oo ay kooxdu kasoo abaabuli jirtay weerarada qaraxyada ah oo ay ka geystaan gudaha dalka.

 

War qoraal ah oo kasoo baxay dowladda ayaa lagu sheegay in howlgalka lagu guuleystay, islamarkaana dhulka lala simay gaadiid iyo xubna badan oo ka mid ah Kooxda Al-Shabaab oo ku sugnaa garaashka la beegsaday.

 

Warka kasoo baxay dowladda Soomaaliya laguma faahfaahin inta uu dhan yahay khasaaraha nafeed ee ka dhashay howlgalka maanta ka dhacay deegaanka Buq aqable ee gobolka Hiiraan, hayeeshee waxaa la filaya in saacadaha soo socda ay faahfaahiso dowladda.

 

Howlgalkaan ayaa kusoo beegmeysa, iyadoo Xalay howlgal noocaan oo kale ah oo ay iska kaashadeen ciidamada dowladda iyo saaxiibada Caalamka laga fuliyay goob garaasha ah iyo guri ay daganayeen xubno ka tirsan Al-shabaab oo ku taala degmada Galhareeri ee gobolka Galgaduud.

{DAAWO MUUQAALKA} Qareen yaxye oo tagay gurigii lagu gubay Luul Cabdi casiis, wuxuu soo bandhigay wuxuu kusoo arkay.

Axad 5, May 2024 {HMC} Qareen yaxye oo tagay gurigii lagu gubay Luul Cabdi casiis, wuxuu soo bandhigay wuxuu kusoo arkay. HOOS KA DAAWO MUQAALKA...

{DAAWO MUQAALKA} Hawlgal lagu dilay Xubno ka tirsan AS oo ka dhacay gobolka Baay

Axad 5, May 2024 {HMC} Hawlgal lagu dilay Xubno ka tirsan AS oo ka dhacay gobolka Baay HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/R6OcGVDhGAM  

WARARKA