Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Wararkii Ugu Dambeeyay Dagaal Culus oo ka qarxay Deegaanka iji ee Gobolka Hiiraan.

Sabti jan-27- 2024-{HMC} Dagaal xoogan ayaa mar kale ka qarxay Deegaan u dhow Iji oo hoostaga Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan, dagaalkan ayaa udhaxeeyo Labo Maleeshiyo Beelled oo beeraleey ah kuwaas oo Xiisadoodu malmahan ay taagneed.

Dagaalka oo ah Mid aad u Culus ayaa waxaa Warinayaa in uu jiro Khasaaro soo kala gaaray Labada Maleeshiyo Beellod ee dagaalamay , sida ay dadka ay warbaahinta Hiiraanweyn u xaqiijiyeen.

Labada Maleeshiyo Beellod ayaa isku haysto Dhul-beered ku yaalla Xadka Hiiraan iyo Shabeellaha dhaxe, kuwaas oo Maleeshiyo kamid ah ay sheekeyn in ay abuurayaan halka kuwa kalena ay diidan yahiin.

Masuuliyiin ka kala tirsan Gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha dhaxe ayaa ku baxay Xiisadan oo todobaadyadi ugu dambeeyay halkaasi ka taagneed, Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Cabdullaahi axmed Maalin iyo Madax Kale ayaa ku sugan Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan, Sidoo kale Gudoomiyaha Gobolka Shabeellaha dhaxe Axmed Meeyre Makaraan ayaa isna ku sugan Degmada Ceelbaraf . ujeedka labada Masuul ayaa ah in la xaliyo Dagaalka udhaxeeyo Labada Beellod.

Manta ayaa la qorsheeynayay in leeysku keeno dhamaan Odoyaasha dhaqanka Labada Beel, si loo wada hadal-siiyo lakiin taasi ma aysan dhicin oo dagaal xoogan ayaa ka socda Deegaanada Colaado ka jirtay Mudooyinkii dambo.

Xiisadan dagaal ayaa deegaanada ka jirtay tan iyo todobaadkii u dambeeyay waxaana dhacay Dagaalo udhaxeeyo labada Maleeshiyo Beelled, kuwaas oo sababay Khasaaro dhimasho iyo dhawac leh.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA