Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Xasan Sheekh iyo Abiy Axmed oo markii ugu horaysay kulmaya kadib qilaafkii arrimaha badda

Sabti-jan-27- 2024-{HMC} Sida ay xog ku heshay Caasimada Online, Dawladda Talyaaniga ayaa qorsheyneysa inay marti-geliso kulan fool ka fool ah oo dhexmari doona Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.

Talyaaniga ayaa toddobaadkaan martigelinaya shir madaxeed ay isugu keenayaan madaxda dalalka Afrika, waxaana casuumaada shirkaas aqbashay 15 madaxweyne iyo sideed ra’iisul wasaare, waxaana jira wakiilo kale oo Afrikaan ah oo ka soo qeyb galaya shirkaas.

Madaxda Afrika ee aqbashay casuumaada shirkaan ka dhacaya Talyaaniga waxaa ka mid ah Xasan Sheekh iyo Abiy Axmed, waxaana helnay xog sheegeysa in qorshaha Talyaaniga uu yehay in gooni loo kulansiiyo Xasan iyo Abiy.

Ujeddada shirkaan ayaa ah in dawladda Talyaaniga ay dalalka Afrikaanka ah kala hadasho qorshaha la yiraahdo Piano Mattei – Qorshaha Mattei – oo dadka u dhuun-daloola arrintaas ay ku macneeyeen inuu lamid yahay qorshihii Marshal Plan ee dagaalkii labaad ee dunida, kadib markii dhaqaale ahaan lagu caawiyey Yurub sidii ay burburka dagaalka uga soo kabsan lahayd.

Inkastoo ajendaha shirkaan aysan ku jirin hadana Talyaanigu wuxuu qorsheynayaa in xal laga gaaro mushkiladaha Soomaalida iyo Itoobiyaanka ee maalmahaan gilgilay Geeska Afrika, sida ay noo sheegeen diblomaasiyiinta gacanta ku heysa qaban qaabada shirka.

Xogtu waxay intaas ku sii dareysaa in madaxweynaha Talyaaniga uu qorsheeyey in habeenka Axadda ah kulan casho ah uu isugu balamiyo Xasan Sheekh iyo Abiy Axmed, maadaama shirka weyn ay ka soo qeyb galeyso madax badan oo arrintaan aysan quseyn.

Soomaaliya weli kama aysan hadlin suurtagalnimada kulan dhexmara madaxda Soomaaliya iyo Itoobiya, balse masuuliyiin ka tirsan madaxtooyada ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey in madaxweyne Xasan Sheekh uu tegayo Talyaaniga, si uu kaga qeyb galo shirkaas.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa saacadihii lasoo dhaafay si cad u sheegay in dalkiisu uusan xoog ku raadineyn bad uu leeyahay dal kale oo marnaba aysan la dagaalami doonin Soomaaliya, sidoo kale wuxuu sheegay in Itoobiya ay ixtiraameyso midnimada Soomaaliya, hadalkaas ayaa wax badan ka bedelay wajigii ay laheed xiisadda labada dal.

{DHAGEYSO} Warka Duhurnimo ee Warbahinta Hiiraanweyn {27 07 2024}

Sabti  27 July 2024 {HMC} –Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Shugir Baryare...

{DAAWO MUUQAALKA} Maareeyaha Guud ee hay’adda korontada qaranka oo daah furay maanta shirka golaha korontada,

Sabti 27 July 2024 {HMC} Maareeyaha Guud ee hay'adda korontada qaranka oo daah furay maanta shirka golaha korontada, HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA