Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Israa’iil oo Hal maalin Looga Dilay 24 askari Dagaalka Magaalada Gaza

Sabti-27-jan- 2024-{HMC} Benjamin Netanyahu Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil ayaa wajahaya cadaadis sii kordhaya, kadib maalintii ugu darneyd ee khasaaraha ciidamada Israa’iil kasoo gaaray dagaalka Gaza, iyo sidoo kale dibadbaxyada isa soo taraya ee ka dhashay inuu ku guuldareystay inuu soo celiyo dadkii la qafaashay.

Istaraatiijiyada ciidamada ee dhulka falastiiniyiinta ayaa si weyn isha loogu hayaa kadib markii la dilay 24 askari maalintii isniinta, waana khasaarihii ugu badnaa ee soo gaara Israel hal maalin gudaheed tan iyo markii uu bilowday duullaanka dhulka ee Qaza dabayaaqadii October.

Dadka dhintay waxaa ka mid ah 21 askari oo kayd ah, kuwaas oo lagu dilay hal weerar.
Weerarkan oo loo adeegsaday baasuukayaal ku dhacay taangi iyo laba dhismo oo ay ciidamadu isku dayeen inay qarxiyaan, ayaa Netanyahu waxa uu ku tilmaamay “musiibo”.

Emmanuel Navon, oo ah bare wax ka dhiga jaamacadda Tel Aviv, ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AFP in khasaaraha ciidanku uu saameeyay qof kasta gudaha Israa’iil, madaamaama ku dhawaad qof kasta oo dalka ku nool uu wiilkiisa ama walaal ama qof qaraabo ah uu ka dagaallamayo Gaza.”

Kala qaybsanaan Xoogan ayaa ka dhex aloosantay golaha wasiirada dagaalka ee Netanyahu, kadib mudaaharaadyo ka dhacay magaalada Tel Aviv iyo bannaanka gurigiisa oo ku yaala magaalada Qudus, halkaas oo ehelada la haystayaasha ay socod ku mareen, iyagoo ku dhawaaqaya “dhammaan iyo hadda” si ay ugu booriyaan soo celinta laheysteyaasha.

 

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA