Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

maleeshiyaad hubeysan oo Dad isku qoys ah mar kale lagu laayay MUDUG

Axad-jan-28- 2024-{HMC} Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa weerar lagu laayay dad shacab ah oo mar kale ka dhacay gobolka Mudug.

Weerarkan oo ay gaysteen maleeshiyaad hubeysan ayaa xalay ka dhacay agagaarka degmada Saaxo ee gobolkaasi, waxaana lagu beegsaday dad isku qoys ahaa.

Ugu yaraan 5 qof ayaa lagu dilay weerarkan, halka lagu dhaawacay 6 kale, sida uu xaqiijiyey guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland, Faysal Sheekh Cali.

Dadka la laayay ayaa isugu jiray rag iyo dumar, kuwaas oo la socday gaari, sida uu warbaahinta u xaqiijiyay guddoomiyuhu.

“Waxa xanuunka leh labada arrimood weeye mar waa hal qoys dadka halkaas lagu laayay 11 qof oo isku guri ah ayay ahaayeen 5 waa dhimatay nin iyo xaaskiis, walaashiis, wiil uu abti u yahay iyo wiil kale oo uu adeer u yahay” ayuu yiri Faysal Sheekh Cali.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Lixda kale waa dhaawac waa caa’ilada hoose gaari ayay saarnaayeen, waana arrin naxdin leh”.

Faysal Sheekh Cali oo hadalkiisa sii wata ayaa tilmaamay in arrintan ay soo noq noqotay, isla markaana dhacdooyin kuwan lamid ah ay horay uga dhaceen gobolka.

“Shayga labaad ee isagana tiiraanyada leh ayaa waxa ay tahay arrinkan wuuu soo noq noqday mar ma’ahan, labo ma ahan, saddexna ma’ahan” ayuu kusii daray Faysal.

Waxaa kale oo uu hoosta ka xariiqay in haatan ay wadaan baaritaano ku aadan falkaasi, ayna cadaaladda horkeeni doonaan maleeshiyaadkii ka dambeeyay falkaasi argagaxa leh.

Maalmo kahor ayay ahayd markii dhacdo tan oo kale ay ka dhacday qaybo kamid ah gobolka Galgaduud, taas oo lagu dilayAabe iyo Wiilkiisa, sidoo kalena lagu dhaawacay hooyadii qoyska, kadib markii ay weerar gaadmo ah ku qaadeen maleeshiyaad hubeysan.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA