Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Maxeey tahay tallaabada Jubbaland ay qaaday kadib bixitaankii ciidanka Itoobiya

Axad-jan-28- 2024-{HMC} Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa qaaday tallaabadii ugu horreysay kadib bixitaankii ciidamada Itoobiya oo Khamiistii lasoo dhaafay baneeyay xero ay ku lahaayeen magaallo xeebeedka Kismaayo ee xarunta Jubbada Hoose.

Madaxweyne ku xigeenka koowaad ee Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan ayaa booqday xerada Madhamaato oo ah meesha ay ka guureen ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ahaa howlgalka ATMIS.

Sidoo kale wuxuu warbixin ka dhageystay Ciidamada Hay’ada Nabadsugida iyo Sirdoonka Jubbaland oo la wareegay xeradaasi oo laga ilaaliyo amniga guud ee Kismaayo.

Sayid Aadan ayaa kula dardaarmay inay laba jibaaraan howlaha amniga lagu xaqiijinayo ee ay ka wadaan halkaasi, si looga hortego falalk amaan darrida ah.

Intaas kadib Maxamuud Sayid Aadan ayaa kormeer ku tegay dugsiga Tababarka Ciidamada Jubbaland, isagoo halkaas kula hadlay Ciidamo cusub oo kamid ah Darawiishta Jubaland oo uu tababar u socday mudooyinkii lasoo dhaafay.

Waxa u sheegay in ciidamadan cusub ee kamid noqonaya darawiishta Jubbaland ee tababarku u socdo inay qeyb ka yihiin dadaalka xooga leh ee loogu jiro sidii amaanka dalkeenna aan ula wareegi lahayn isla markana shaqadaas baaxada leh ay tahay inay kasoo dhalaalan.

Sababta ay u baxeen ciidamadaas ayaa waxaa lagu sheegay inay qayb ka tahay qorshaha dhimista ee ciidamada howlgalka ATMIS ee jooga gudaha dalka Soomaaliya.

Horay ciidamo ATMIS oo ka socda dhowr dal ayaa u banneeyay saldhigyo dhowr ah oo ku yaalla koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, kuwaas oo ay la wareegeen Xoogga dalka.

Bixitaan ciidanka Itoobiya ee magaalada Kismaayo ayaa haatan kusoo aadayo, xilli ay taagan tahay xiisad u dhexeysa Soomaaliya iyo Itoobiya oo ka dhalatay heshiiska badda.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA