Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Ra iisulwasaare Xamse oo Daah furay Mashuuc la xiriiro dhinacyada Caafimaadka, Waxbarashada, Biyaha iyo Gargaarka

Muqdisho, Janaayo 28, 2024: – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa daah-furay mashaariic la xiriirta dhinacyada Caafimaadka, Waxbarashada, Biyaha iyo Gargaarka oo ay ka hirgelineyso Soomaaliya, Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka iyo Hawlaha Samafalka, kuwaas oo ay ku baxayso lacag dhan 40 milyan oo dollar.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa tilmaamay in mashaariicdani ay wax weyn ka tari doonaan baahiyaha adeegyada bulshada ee ka jira dalkeenna, gaar ahaan dhinacyada caafimaadka, waxbarashada iyo biyaha oo kamid ah adeegyada aasaasiga ah ee ay baahida weyn u qabaan shacabkeena.

La-taliyaha Boqorka Sacuudiga, ahna Kormeeraha Guud ee Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka iyo Hawlaha Samafalka, Dr Cabdalla Bin Cabdulcasiis Al-Rabiica, oo hoggaaminayay wafdiga Dowladda Sacuudi Carabiya ee maanta u yimid daahfurka mashaariicda, ayaa sheegay in dowladda Sacuudi Carabiya ay ka go’an tahay taageerada dhinacyada kala duwan leh ee shacabka Soomaaliyeed iyo dowladooda.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa uga mahadceliyey Boqortooyada Sucuudiga garab istaagga iyo taageerada noocyada kala duwan leh ee ay mar walba siiso dadka iyo Dowladda Soomaaliyeed, isaga oo hoosta ka xariiqay in tallaabadani ay sii xoojinayso xiriirka walaaltinimo ee u dhaxeeya labada dal.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA