Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

wada-hadal foolka fool ah oo ay muddo kadib yeesheen Xasan Sheekh Maxamuud iyo Saciid Cabdullahi Deni.

Axad-jan-28- 2024-{HMC} Faahfaahino dheeraad ah iyo macluumaad ayaa waxaa laga helayaa wada-hadal foolka fool ah oo ay muddo kadib yeesheen madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullahi Deni.

Kulankan oo dhacay intii ay socotay xafladda caleema saarka ee Deni ayaa waxaa diiradda lagu saaray mad-madowga u dhexeeya labada dhinac.

Wasiirka Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta Soomaaliya Mudane Jaamac Xasan Khilaaf oo kamid ahaa mas’uuliyiinta tegay Garoowe ayaa xog ka bixiyay kulankaasi, wuxuuna sheegay inuu gaar u ahaa madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Saciid Deni.

Jaamac ayaa shaaca ka qaaday in labada nin ay si hoose uga wada-hadleen khilaafka dhexdooda ah, uuna jiro isku soo dhawaasho, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in lagu ballamay kulamo kale oo ay yeelanayaan labada dhinac, si loo soo afjaro khilaafka dhexdooda ah.

“Madaxweynihii qarankaa joogay, madaxweynihii Puntland ayaa joogay iyo dadkii oo dhan waa wada-hadleen, gaar ayayna isku arkeen, waana sii ballansan yihiin” ayuu yiri Jaamac.

Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Soomaaliya oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in khilaafka dowladda dhexe Puntland aanu ahayn sida loo dhigayo, balse la buun buuniyay, sida uu hadalka u dhigay.

Waxaa kale oo uu kusii daray in kaliya uu jiro kala aragti duwanaasho, taasina meesha laga saarayo, si loo soo celiyo wada shaqeyntii Muqdisho iyo Garoowe.

“Khilaaf weyn oo runtii u baahan in la buun-buuniyo meeshaas kama jiro markaa runta ku sheego, laakiin aragti kasta oo kala duwanaata waxay leedahay dad lisa oo si khaldan u lisa” ayuu sii raaciyay Wasiirka Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta Soomaaliya.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan ay taagan tahay dood ka dhalatay wax ka beddelka dastuurka oo uu tallaabo u qaaday baarlamaanka, xilli ay diidan tahay Puntland.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA