Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Burcad badeedda Soomaalida oo xoog looga furtay 17 badmaaxayiin ah

isniin-29-jan- 2024-{HMC} Kalluumeysato la socotay labo markab oo ay burcad badeed ku afduubatay xeebaha Soomaaliya ayaa lagu soo furtay howlgalo kala duwan oo ay sameeyeen ciidamada badda.

Ciidamada ilaalada xeebaha Seychelles ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen 3 burcad badeed ah ayna sii daayeen 6-shaqaale ah oo la socday dooni kaluumaysi oo laga leeyahay dalka SriLanka oo lagu qabtay badda Carbeed.

Sidoo kale, Markab dagaal oo laga leeyahay dalka Hindiya ayaa soo badbaadiyay 17-qof oo lagu afduubtay markab kaluumaysi.

Waxaa la dareensanyahay in ay sare u kaceen dhaq-dhaqaaqa burcad badeedda fadhigoodu yahay xeebaha Soomaaliya, kuwaas oo khatar ku ah isku socodka dunida.

Dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay waxaa cirka isku shareertay cabsida laga qabo inay dib u soo laba kacleeyaan kooxihii burcad badeeda ahaa ee afduubka ka geysan jiray xeebaha Soomaaliya.

Sidoo kale kooxda Xuutiyiinta ee ka dagaalanta dalka Yemen oo dowladda Iiraan ay taageerto ayaa afduub ku bilowday maraakiibta isticmaasha badda Cas.

Xeebaha Soomaaliya waxaa ka howlgala ciidamo ka socda Midowga Yurub, sidoo kale ciidamada badda Soomaaliya ayaa hadda waxaa ku socota diyaarin xoog leh, waxaana dhawaan la rijeynayaa in lasoo afjaro qulqulatooyinka dhanka badda.

Arrimahaan waxay imaanayaan xilli Itoobiya ay soo hunguriyeysay badda Soomaaliya, waxaana dhawaan lagu wadaa in dowladda Soomaaliya ay soo bandhigto cudud ciidan oo ku filan difaaca badda, kuwaas oo hadda diyaarintoodu socoto.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA