Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Ciidamo Mareykan ah oo duqeyn lagu laayay

Isniin-29-jan- 2024-{HMC} Madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden, ayaa sheegay, in Maraykanku uu ka jawaabi doono weerar ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ku qaadeen saldhig ciidamada Maraykanku ku leeyihiin waqooyi bari ee Urdun, una dhow xuduudda dalka Suuriya.

Mr Biden ayaa weerarkaas ku eedeeyay kooxaha mayalka adag ee ay taageerto dowladda Iran ee ka hawlgala Suuriya iyo Ciraaq.

Saddex kamid ah askarta Mareykanka ayaa lagu dilay weerarkaasi, halka tobanaan kalena ay ku dhaawacmeen.

Ha yeeshee Iran ayaa beenisay inay ku lug leedahay weerrarkasi.

Waa markii ugu horreysay oo duqeyn lagu dilo ciidamo Mareykan ah oo ka howlgala gobolka, tan iyo 7-dii bishii Oktoobar, oo Xamaas ay weerrar ku qaadday Israa’iil.

Jordan ayaa sheegtay in weerrarku ka dhacay dalka Suuriya, balse aysan ahayn gudaha Jordan.

Waxaa jiray weerarro kale oo lagu qaaday saldhigyo uu Mareykanka ku leeyahay gobolka, balse sida ay sheegeen milatariga Mareykanka, Axadda ka hor ma jirin ciidamo ku dhintay.

Weli ma cadda cidda ka dambeysa weerrarkan ugu dambeeyay.

 

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA