Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Ciidanka Dowlada soomaliya oo fashiliye Gaari A.S qaraxyo ay kasoo buuxiyeen

Isniin-29-jan- 2024-{HMC}  Weerar qorsheysan oo ay fuliyeen diyaarado dagaal oo taageeraya ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa lagu bur buriyay gaari la sheegay in kooxda A,s kasoo buuxiyeen waxyaabaha qarxa

 

War kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu shaaciyay in weerarkan lala beegsaday gaariga A,s qaraxyada kusoo rareen uu ka dhacay deegaanka Jeex Jeexa ee gobolka Mudug, halkaas lagu dilay dagaallamayaal gaariga la socday

 

”Howlgal qorsheysan oo ay wadajir uga fuliyeen Ciidanka Qaranka iyo saaxiibada caalamiga ah deegaanka Jeex jeexa ee koofurta gobolka Mudug ayaa lagu beegsaday gaari Khawaarijtu ku soo raratay waxyaabaha qarxa iyo Maleyshiyaad la socday, howlgalka oo dhacay saaka salaaddii subax kadib ayaa lagu burburiyey Gaarigii walxaha qarxa cadowgu ku diyaariyey, waxaana halkaas lagu dilay tiro Maleyshiyo ah oo goobta ku sugnaa” ayaa lagu yiri warka dowladda kasoo baxay

 

Weerarka lagu bur buriyay gaariga A.s qaraxyada kusoo rareen ayaa kusoo aadaya xilli ay kordheen duqeymaha dhinaca cirka ah ee lala beegsanayo gaadiidka ay wataan A,s iyo xarumo ay kooxdaasi leeyihiin.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA