Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Arimaha gudaha Hirshabelle oo Gaaray Dagmada Jalalaqsi.

Isniin-29-jan- 2024-{HMC}  Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Arimaha gudaha Hirshabelle  Cabdiraxmaan Daahir Guure (Karoore) aayna wehliyaan Wasiirka Maaliyadda Hirshabelle Guddoomiyaha gobolka Shabeellaha dhexe, Taliyaha Booliska Hirshabelle Xasan Dhicisoow Xasan iyo masuuliyiin kale ayaa gaaray degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan.

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cabdullaahi Axmed Maalin maamulka degmada Jalalaqsi iyo qeybaha bulshada ayaa wafdigaasi kusoo dhaweeyay degmada Jalalaqsi.

Wafdigan ayaa socdaalkooda waxa uu salka ku haayaa sidii Heshiis loo kala dhaxdhigi lahaa beelo walaalaha oo dagaal uu ku dhaxmaray deegaanno dhaca xuduudka Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe.

Waxaa xusid mudan in muddo 5-maalin ah howlo nabadeyn ah degmada Jalalaqsi u joogo guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cabdullaahi Axmed Maalin waxaana lagu wadaa in howsha nabadeynta ah ee uu bilaabay wada jir loo dhameystiro.

 

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA