Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

howlgal lagu dilay horjoogayaal sare ee AS ka tirsanaa oo ka dhacay degaanka Buq-aqable

isniin-29-jan- 2024-{HMC} Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay in shalay gobolka Hiiraan laga fuliyey howlgal lagu dilay horjoogayaal sare ee Shabaab ka tirsanaa iyo maleeshiyaad badan.

Howlgalka oo loo adeegsaday duqeyn culus waxaa fuliyey diyaaradaha dagaalka, wuxuuna ka dhacay degaanka Buq-aqable ee gobolka Hiiraan oo hoos taga Buuloburde.

“Howlgal aad loo qorsheeyay oo lagu laayay Horjoogayaal iyo Maleeshiyaad Khawaarij ah ayaa goor dhow ka dhacay magaalada Buq-aqable ee Gobalka Hiiraan,” ayaa lagu yiri warkaan ka soo baxay dowladda Soomaaliya.

Qoraalka dowladda ayaa intaas ku sii daray, “Howlgalka ayaa lagu beegsaday laba gaari oo ay saarnaayeen Horjoogayaal Khawaarij ah oo aad loo doon doonayay.”

Howlgalka sidaan oo kale duqeyn loo adeegsaday ayaa shalay maqribkii ka dhacay halka ay iska galaan gobollada Sh/Dhexe iyo Galgaduud, waxaana lala beegsaday xubno ka tirsanaa Al-Shabaab oo la socday gaadiid dagaal.

Inkastoo aan la shaacin khasaaraha rasmiga ah ee duqeymahaan loogu geystay kooxda, hadana waxaa muuqata in maalmahaan aad loogu beegsanayo dhulka howdka ah, maadaama ay kooxda ku furan yihiin dagaalo culus oo muhiim ay u tahay isku socdaan.

Dowladda ayaa kordhisay duqeymaha ay la kaashato saaxiibada caalamka oo Mareykanku ugu horeeyo, kuwaas oo maalmahaan kooxda loogu geysanayey gobollada Mudug, Galgaduud, Sh/Dhexe iyo Hiiraan oo ah dhammaan dhulka ay ka arrimiyaan Galmudug iyo HirShabeelle.

Kooxda al-Shabaab waxaa hadda ku adkaatay inay isku gurmadaan oo dhaqdhaqaaq sameeyaan, waxaana sheeda sare ka ilaashada diyaaradaha dagaal oo beegsada markii ay isku yimaadaan ama kolonyo noqdaan, si ay u socdaalaan.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA