Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Iran oo iska fogeysay weerarkii lagu laayey askar badan oo Mareykan ah

Isniin-29-jan- 2024-{HMC}  Iran ayaa iska fogeysay weerarka lagu dilay saddex ka mid ah ciidamada Mareykanka ee ku sugnaa saldhiga Mareykanka ee Urdun Axadii, halka tiro 30 ka badana la dhaawacay waxayna bayaan ay soo saartay ku sheegtay in eedeymaha ka dhanka ah jamhuuriyadda Islaamiga ah ay tahay “mid aan sal iyo raad lahayn”

 

Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Nasser Kanaani ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in kooxaha iska caabinta gobolka aysan ka amar qaadan Iran

 

“Waxaan aaminsanahay in gobolku uusan u baahnayn xiisad dheeraad ah ama dagaal cusub,” ayuu yiri

 

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa wacad ku maray inuu la xisaabtami doono kuwii ka dambeeyay dhimashada askartiisa, wuxuuna ku eedeeyay weerarada ka dhanka ah kooxaha mintidka ah ee ay taageerto Iran

 

“Waxaan rumeysannahay in dagaalka Gaza uusan ahayn xalka, xabbad joojin degdeg ahna waxay saldhig u noqon kartaa soo celinta nabadda gobolka,” ayuu yiri Kanaani

 

Weerarkii Axaddii ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ku qaadeen saldhiga Tower 22 ee u dhow xuduudka Suuriya, ayaa noqonaysa kii ugu horreeyay oo ciidamo Mareykan ah lagu laayo tan iyo markii uu billowday dagaalka Gaza. Ugu yaraan 34 ka tirsan ciidamada Maraykanka ayaa sidoo kale ku dhaawacmay weerarka.

 

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA