Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Israel oo duqeysay goobo ay leedahay Q/Midoobay & gaadiid ambalaas ah

isniin-29-jan- 2024-{HMC} Ugu yaraan 10 qof oo rayid ah ayaa ku dhintay kadib markii Israa’iil ay ku garaacday madaafiic iskuul ay Qaramada Midoobay leedahay oo ku yaalla xaafadda Al-Rimal ee magaalada Gaza Isniintii maanta sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Falastiin ee WAFA.

Gawaarida ciidamada Israel ayaa isku gadaamay iskuulka, iyadoo askartu ay ku guda jireen duqeymo xoogan iyo rasaas, sida ay sheegtay WAFA.

UNRWA iyo ciidamada difaaca Israel kama hadlin duqeymaha dugsiga ee magaalada Gaza.

Diyaaradaha dagaalka Israa’iil ayaa sidoo kale duqeeyay ugu yaraan shan dhismo oo la deggan yahay oo ku yaalla xaafadda Al-Rimal, WAFA ayaa intaas ku dartay, taasoo ay ku dhinteen kuna dhaawacmeen tobanaan rayid ah.

Goobjooge iyo wariye Khader Zaanoun, oo ku sugan Al-Rimal, ayaa CNN u sheegay in ciidamada Israel ay xaafadda ka soo weerareen “jihooyin badan,” oo ay hadda ku hareeraysan yihiin, waxaana ku jira goobahaas Isbitaalka Al-Shifa.

Afar ka mid ah shaqaalaha caafimaadka ayaa la dilay ka dib markii laba ambalaas ay madaafiic ku garaaceen diyaaradaha Israa’iil ee ku sugan magaalada Gaza, xilli ay u socdeen si ay u daabulaan dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay Isniintii, ayuu yiri Zaanoun.

“Ambalaasta waxay la kulmaan dhibaatooyin waaweyn xagga dhaqdhaqaaqa iyo hawlgalka sababtoo ah madaafiicda iyo go’doominta ciidamada Israel,” ayuu yiri Zaanoun.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA