Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Markab dagaal oo soo badbaadiyay kalluumeysato u afduubnaa burcad badeedda Soomaalida

Isniin-29-jan- 2024-{HMC} INS Sumitra, oo ah markab dagaal oo ay leeyihiin ciidamada badda Hindiya, ayaa soo badbaadiyay kalluumaysato ay afduub u haysteen burcad badeedda Soomaalida.

Sida ay saraakiishu sheegeen, 17 shaqaale oo la socday doon kalluumaysi oo laga leeyahay dalka Iran, ayaa lagasoo badbaadiyay afduubka burcad-badeedda.

Burcadbadeeda ayaa si xoog ah u fuulay doonta kalluumeysi oo uu ka babanayay calanka dalka Iran, waxayna afduub ahaan u hayteen shaqaalihii la socday.

Saraakiisha ciidamada badda Hindiya ayaa sheegay in burcad badeedda lagu qasbay inay siidaayaan shaqaalihii doonta.

Saraakiisha ciidamada badda Hindiya ayaa sheegay in maraakiibtooda la geeyay gobolka badweynta Hindiya, si ay u muujiyaan sida ay uga go’an tahay badqabka dhammaan badmaaxiinta.

Ma ahan markii ugu horeysay oo ciidamada badda Hindiya ay soo furtaan doonyo kalluumeysi oo ay bartilmaameedsadeen kooxaha burcad badeedda Soomaalida.

5-tii Janaayo, Markabka INS Chennai ayaa ku guulaystay inuu soo badbaadiyo shaqaalihii la socday markab marayay xeebaha Soomaaliya waxayna soo badbaadiyeen dhammaan 15 qof oo Hindi ah oo la socday markabkaasi.

{DAAWO MUUQAALKA} Maareeyaha Guud ee hay’adda korontada qaranka oo daah furay maanta shirka golaha korontada,

Sabti 27 July 2024 {HMC} Maareeyaha Guud ee hay'adda korontada qaranka oo daah furay maanta shirka golaha korontada, HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Xildhibaan Yuusuf Geelle Madaxweynaha waa in uu Dhageystaa Baarlamaanka Albaabadana uu Furaa”

Sabti 27 July 2024 {HMC} Xildhibaan Yuusuf Geelle Madaxweynaha waa in uu Dhageystaa Baarlamaanka Albaabadana uu Furaa" HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA