Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Shaqsi Ajnabi ah oo xaaskiisa ku dilay magaalada Hargeysa iyo booliska somaliland gacanta dhigay

Isniin-29-jan- 2024-{HMC} Ciidamada booliiska magaalada Hargeysa ayaa gacanta kusoo dhigay nin ku eedeysan in xalay dil araggax leh u geestay xaaskiisa, ninkan ayaana booliiska qabteen xilli uu isku dayayay in uu baxsado

 

War kasoo baxay taliska ciidamada booliiska Somaliland ayaa lagu sheegay in ay soo qabteen eedeysane Jamaal Daaha Cabdiraxmaan oo 54-sanno jir ahaa, ninkan ayaana booliiska sheegeen in uu dilay xaaskiisa oo lagu magacaabayay Sumaya Siciid Naasir

 

Ninkan ayaa la sheegay in dilka uu u geestay xaaskiisa u adeegsaday mindo af leh kaddib muran soo kala dhax gelay, waxaana booliiska sheegeen ninka dilka geestay iyo xaaskiisaba ay kasoo jeedaan dalka Yemen

 

Booliiska magaalada Hargeysa ayaa sheegay in gacanta ku hayaan ninka dilaaga ah iyo meydka marxuumada, waxa ayna sheegeen in baaritaano ku wadaan kiiskan waxa sababay ayna caddaalad horgeyn doonaan gacankudhiiglaha.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA