Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Sidee ayuu u wajihi doona ergaygan Soomaaliga ah xallinta xiisada ka dhex aloosan Soomaaliya iyo Itoobiya?

Isniin-29-jan- 2024-{HMC}  Dowladda Findland ayaa mar kale Suldaan Saciid Axmed u magacowday Ergayga gaarka ah ee arrimaha nabadda iyo dhexdhexaadinta geeska Afrika, ka dib war rasmi ah oo ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda dowladda Finland.

War qoraal ah oo lagu daabacay barta X ee Wasaaradda arrimaha dibadda ee Finland ayaa lagu yiri, “Wasiirka Arrimaha Dibadda Elina Valtonen, waxay Suldaan Siciid Axmed u magacawday ergaygeeda gaarka ah ee dhexdhexaadinta nabadda ee Geeska Afrika. Suldaan Saciid Axmed wuxuu diiradda saari doonaa taageeridda hababka nabadda.”

Suldaan Saciid Axmed Ergayga gaarka ah ee arrimaha nabadda iyo dhexdhexaadinta geeska Afrika ay Finland la leedahay waddamada Geeska Afrika iyo sida uu wajahayo xiisada siyaasadeed ee ka dhaxe aloosan Soomaaliya iyo Itoobiya.

Waxaa uu sheegay in dalalka Geeska Afrika ay Finland la leedahay xariir soo jireen ah oo dheer, ayna kala shaqeyn doonaan nabadda, xasiloonida iyo arrimaha bin’aadanimada .

“Sida aad ogtahay Finland waxay xiriir laba geesood ah oo soo jireen ah la leedahay waddamo badan oo Geeska Afrika ah,waxaa ay ka mid tahay waddamada caanka ku ah dhexdhexaadinta iyo arrimaha nabadda” ayuu yiri Suldaan Saciid Axmed

“Anigu waxan si gooni ah diiradda u saari doona sidii ay nabad u noqon lahaayeen dalalka geeska Afrika oo qaar badan oo ka mid ah ay la daalaa dhacayaan colaadda, isbadelka cimillada iyo abaaro” ayuu hadalkiisa raaciyay.

Sidee ayuu u wajihi doona xiisada ka dhex aloosan Soomaaliya iyo Itoobiya?

Suldaan Saciid Axmed oo horay u soo noqday xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Finland iyo ergayga gaarka ah ee wasiirka arrimaha dibedda Finland u qaabbilsan nabadda iyo dhexdhexaadinta geeska Afrika ayaa mar kale xilkaas loo magacaabay iyada oo dalalka Itoobiya iyo Soomaaliya ay ka dhex jirto xiisad culus oo ka dhalatay heshiiskii Itoobiya iyo Somaliland ku kala saxiixdeen Addis Ababa 1dii bishan.

Waxaa uu sheegay in dowladda Finland ay caddeysay mowqifkeeda ku aadan khilaafka ka dhex jira Soomaaliya Itoobiya, ayna qeyb ka ahaayeen bayaankii kasoo baxay ururka Midowga Yurub kaas oo lagu cadeeyay in la ixtiraamo madax-banaanida dhuleed iyo wadajirka Jamuuriyada Federaalka ah ee Soomaaliya.

“Finland waxaa ay ka mid tahay Midowga Yurub arrimahaasna qoraal cad ayuu ururku ka soo saaray, marka waxaan ku dadaalayna in khilaafaadka lagu xalliyo si nabad ah, taas oo ah had iyo jeer ujeeddada siyaasadda arrimaha dibadda ee Finland” ayuu yiri.

Dowladda Finland oo wakiil ugu yahay Suldaan Saciid ayuu sheegay in kaalin weyn ka qaadan doonaan dhex dhexaadinta hoyaamiyaasha Soomaaliya iyo Itoobiya si xal waar looga gaaro arrimaha la isku hayo.

“Annagu waxaan ku dadaali doonna in madaxda Afrika waddan walba oo uu yahay la wada hadlo oo nabadda laga shaqeeyo, colaadda, nacaybka iyo kala fogeeynta bulshadana la iska ilaaliyo, in xilligaan Geeska Afrika xiisada ka abuuranto ma ahan wax macquul ah, sidii xal loo heli lahaa ayaan ka shaqeeyn doonaa” ayuu Suldaan Saciid Axmed uu sheegay.

Suldaan oo asal ahaan ka soo jeeda Soomaaliya ayaa aqoon duruqsan u leh siyaaasadda dhaqanka iyo qaab-dhismeedka bulshooyinka gobolka.

Dhibaatada dadka Muhaajiriinta ku haysta Xadka Finland iyo Ruushka

Finland ayaa xirtay afar ka mid ah xuduudaha ay la wadaagto Ruushka si ay isugu daydo in ay hakiso qulqulka magangalyo doonka ee ay sheegtay in Moscow ay soo jiheysay.

In kabadan 30 sano ayey Soomaalidu isticmaali jireen xuduudahan ay Finland xirtay ee looga soo gudbo dhinaca Ruushka.

Helsinki waxa ay deriskeeda ku eedaysay in ay tahriibayaasha soo marineyso kannaalo ay ka soo galaan dalkeeda iyada oo kaga gol leh arrimo siyaasadeed.

Suldaan Saciid Axmed u magacowday Ergayga gaarka ah ee arrimaha nabadda iyo dhexdhexaadinta geeska Afrika ayaa sheegay in dadka muhaajiriinta ah ay halkaasi dhibaato weyn ku qabaan .

Waxaa uu ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed in aysan xog aan sax ahayn u sheegin kooxaha wax tahriibay oo aysan isku dayin in ay halkaa soo maraan.

“Xadka ay wadaagaan Finland iyo Ruushka waa xiran yahay ilaa bisha labaadna waa sii xirnaan doonaa hadii aanay wax isbadelin, waxaa hadda lagu jiraa dalalka Yurub xilligii ugu qaboobaa, meel la joogi karo ma ahan banaanka, dadka ayaa ku dhimanaya waxaan leeyahay dadka Soomaaliyeed yaan lacag laga qaadan oo halkaasi lagu soo dirin “ ayuu yiri Ergayga gaarka ah ee arrimaha nabadda iyo dhexdhexaadinta geeska Afrika ee dowladda Finland.

Waa kuma Suldaan Saciid Axmed?

Suldaan Saciid Axmed ayaa loo doortay inuu ka mid noqdo baarlamaanka dalka Finland sanadkii 2021-kii Wuxuu noqonayaa Soomaaligii ugu horreeyay ee xilkaasi loo dhiibo.

Wuxuu muddo afar sano ah ahaa xildhibaan golaha deegaanka magaalada caasimadda u ah dalkaas ee Helsinki.

Noloshiisa inteeda badan iyo waxbarashadiisii wuxuu ku noolaa dalka Finland, wuxuuna dalkaasi galay isaga oo 15 sano jir ah, isaga oo asalkiisii hore ka yimid Soomaaliya.

Muddadii uu ka mid ahaa golaha deeganka Helsinki ayuu sheegay inuu beddelay waxyaabo badan oo caqabado ku ahaa dadka soo galootiga ah.

Suldaan oo 31 jir ah ayaa sheegay inuu siyaasadda galay sanakdii 2012-kii, isla markaana uu dadaal dheer ku bixiyay guulaha uu haatan gaaray.

“Sababihii igu kallifay inaan siyaasadda galo waxaa ka mid ahaa marka laga reebo aniga oo siyaasadda xiiseynayay, haddana inaan isbeddel sameeyo ayaa iga go’neyd.” Ayuu yiri Suldaan.

Sanadkii 2016-kii wuxuu noqday qofkii ugu horreeyay ee ajnabi ah ee xil ka qabta xisbiga uu ka tirsan yahay ee Left Alliance, isagoo markaas noqday guddoomiye ku xigeenka xisbigaas.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA