Tuesday, May 7, 2024
spot_imgspot_img

Somaliland oo qabatay Shabakad Ka Tirsan AS

Isniin-29-jan- 2024-{HMC}  HARGEYSA, Somaliland – Hay’adda nabad-sugida iyo sirdoonka Somaliland ayaa ku dhawaaqdey qabashadda “shabakad AS ah oo kasoo safartey magaalada Jilib ee xarunta gobolka Jubada Dhexe”.

War qoraal ah oo lagu daabacay ciwaanka X (Twitter) ee National Intelligence Agency (Somaliland) NIA ayaa lagu xusay xubnahan ay ku jiraan labo haween oo “xaasas u ah amiiro Al- Shabaab ah”.

Bayaanka kooban ayaa sidoo kale waxaa lasoo raaciyay sawirradda eedeysaneyaashan kuwaas oo wajiyadooda laqariyay lana soo bandhigay oo kaliya qeybta dambe ee madaxooda.

“Hay’adda NIA oo kaashanaysa Ciidanka Qaranka ayaa qabatay koox ka kooban 7-qof 5 nin iyo 2 dumar oo ka tirsan Ururka Alshabaab,” ayaa lagu bilabaay war-saxaafadeedka.
Qoraalka ayaa waxa uu intaas kusii daray: “Kooxdan ayaa ka soo safray degaanka Jilib ee koonfurta Soomaaliya, labada dumarka ah ayaa xaasas u ah amiiro Al- Shabaab ah”.

“Shabakadan ayaa ka kooban 27 qof, waxana lagu raad joogaa 20 kii kale,” ayaa lagu soo gabagabeeyay warka
qoraalka ah iyadda oo aan wax fahfaahin ah laga bixiyay shaqsiyaadka kale ee la raadinayo.

Warkan kasoo yeeray Somaliland ayaa waxa uu kusoo beegmayaa iyadda oo ay taagan tahay xiisad xooggan taasoo udhaxeysa Soomaaliya iyo Itoobiya lana xiriirta heshiis lala galay maamulka Hargeysa.

{DAAWO MUQAALKA} Wasiir ku xigeynka Wasaaradda Gaashaandhiga oo ka hadlay shirka Maareynta Hubka.

Talaado 7 May, 2024 {HMC} Wasiir ku xigeynka Wasaaradda Gaashaandhiga oo ka hadlay shirka Maareynta Hubka. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/H3cAV5_rDgc

{DAAWO MUQAALKA} Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka 07/05/2024

Talaado 7 May, 2024 {HMC} Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka 07/05/2024 HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/33It-DNrykc

WARARKA