Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Wasiiro, M/Gobolka Shabeelaha dhaxe oo Gaaray Degmada Jalalaqsi

isniin-29-jan- 2024-{HMC} Wafdi uu Hogaaminyay Wasiirka Arimaha Gudaha Maamulka Hirshabeelle Cabdiraxmaan Daahir Guure Karoore ayaa Goordhow Gaaray Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan, waxaana Halkaasi kusoo dhaweeyay Masuuliyiinta Maamulka degmada iyo Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Cabdullaahi Axmed Maalin Sufurow.

Wafdiga Wasiir Karoore waxaa qeeyb ka ah, Gudoomiyaha Gobolka Shabeelaha dhaxe, Axmed Meeyre Makaraan, Taliyaha Ciidamada Booliska Hirshabeelle Korneel Xasan Dhicisoow iyo Masuuliyiin kale oo ka tirsan Maamulka Hirshabeelle.

Dhamaan Masuuliyiinta Manta Gaaray Degmada Jalalaqsi ayaa Waxaa ay kulan gaar ah la leeyahiin Madaxda Maamulka Gobolka Hiiraan, kuwa Degmada Jalalaqsi iyo Masuuliyiin kale oo mal-mahii lasoo dhaafay ku sugnaa degmadaasi .

Ujeedka Masuuliyiintan ay u gaareeyn Degmada Jalalaqsi ayaa ah in ay ka qeeyb qaatan Joojinta Dagaal Beelledyo ka dhacay Xadka Gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha dhaxe, kaasi oo udhaxeeyo dad beeraleey ah, waxaana Dagaaladan ay sababeyn khasaaro dhimasho iyo dhawac leh.

Kulan gaar ah oo looga hadlayo sidii Colaadaas loo damin lahaa, ayaa hada la socda Degmada Jalalaqsi waxaana shirka ku sugan Masuuliyiin ka kala socda Gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha dhaxe.

Goordhow Faah Faahin Hiiraanweyn.net kala soco.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA