Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Dagaal culus oo u dhexeeyay ciidamada Daraawiishta Koonfur Galbeed iyo AS oo ka dhacay duleedka baydhabo

Talaado-30-jan- 2024-{HMC} Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dagaal culus oo u dhexeeyay ciidamada Daraawiishta Koonfur Galbeed iyo maleeshiyaadka Al-Shabaab oo xalay ka dhacay duleedka waqooyi ee magaalada Baydhaba.

Dagaalka ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ka dhacay xero ay daganaayeen ciidamada ammaanka, kadib markii ay soo weerareen xubnaha kooxda Al-Shabaab.

Wararka ayaa sheegaya in dagaal lagu hoobtay uu ka dhacay halkaas, kaas oo ay labada dhinac ka sheegteen guullo waa weyn.

War-saxaafadeed kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in weerar ay soo qaadeen Shabaab laga hortagay, kadibna xubna badan looga laayay aagga Baydhaba,.

“Tiro khawaarijta katirsaneed ayaa xaley lagu laayey Duleedka Waqooyi ee Magaalada Baydhabo Kadib markii ay isku dayeen inay soo weeraraan xaro Ciidanka Daraawishta Koofurgalbeed ay daganaayeen. Ciidanka oo kawarheley dhaqarta khawaarijta ayaa fashiliyey weerarka khawaarijta” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay dowladda dhexe.

Dhinaca kale, Al-Shabaab ayaa guul ka sheegatay dagaalkan, waxayna sheegtay inay cagta mariyeen saldhigga ay weerareen, ayna ku dileen ugu yaran 5 askari.

Sidoo kale waxa ay kooxda intaasi kusii dartay in hub iyo saanad milatari ay ka qaadatay xerada lagu dagaalamay oo ay daganaayeen ciidamada Koonfur Galbeed.

Marar badan ayaa labada dhinac sidaan oo kale waxa ay ugu dagaalameen aagga magaalada Baydhaba, maadaama ay go’doon ku hayaan maleeshiyada Al-Shabaab.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA