Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Dowladda Jabuuti oo ku tilmaamay Fahad Yaasiin “nin dhimirka ka xanuunsan.

Talaado-30-jan- 2024-{HMC} Ilyaas Dawaleh Wasiirka Maaliyadda dalka Jabuuti, ayaa si adag uga jawaabay eedo culculus uu dhawaan taliyihii hore ee Hay’adda nabadsugidda Qaranka Soomaaliya Fahad Yaasiin u jeediyey Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle.

Waxa uu intaasi ku daray: “Madaxweyne Geelle waxa uu Fahad iyo kooxdiisa u keenay xanuuno nafsi ah, taasina waxay keentay in fursad kasta oo ay helaan ku aflagaadeyaan Madaxweyne Geelle.”

 

Wuxuu hadalkiisa raaaciyay: “Hadii Ri Gedo ku geeriyooto waxaa dilay madaxweyne Geelle, hadii ay islaan da’ ah Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in cayda Fahad aysan waxba ka baddeli doonin taariikhda Ismaaciil Cumar Geellesida uu hadalka u dhigay.

Ninka magacyada badan ee caanka ku ah Fahad Yaasin ayaa qormo oo dhawaan baahiyay ku tilmaamay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle in uu mar walba doonayo in ay Soomaaliya ku jirto qalalaase joogto ah.

Wuxuu sidoo kale ku sheegay qoraalkiisa in Madaxweyne Geelle oo kula taliyay Abiy Axmed in uu damco badda Soomaaliya si uu isaga leexiyo.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA