Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Joe Biden oo sheegay sida uu uga jawaabayo askartii laga laayey Mareykanka

Talaado-30-jan- 2024-{HMC} Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa sheegay in uu go’aansaday sida uu Maraykanku uga falcelinayo weerar ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ku dileen saddex askari oo Maraykan ah oo ku sugnaa dalka Urdun.

Isagoo ka hadlayay mar uu ka soo baxayay Aqalka Cad oo uu ka qeyb galayay lacag uruurintii Florida, Mr Biden wuxuu yiri, “Uma maleynayo inaan u baahanahay dagaal ku baaha Bariga Dhexe.”

Koox maleeshiyo ah oo ay taageerto Iiraan ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka lagu qaaday saldhigga ciidamada Mareykanka ee lagu laayey askartaan.

Sidoo kale weerarkaas waxaa ku dhaawacmay askar kale oo Mareykan ah, wuxuuna ka dhacay meel u dhow xuduudda Suuriya.

Madaxweyne Biden si raami ah uma faahfaahin waxa ay noqon karto tallaabada Mareykanka, balse Aqalka Cad ayaa Isniintii ballan qaaday “jawaab dhaxal gal ah”.

Dowladda Mareykanka ayaa shaacisay magacyada saddexdii askari ee looga dilay duqeyntii ka dhacday Jordan.

Saddexdaas sarkaal ayaa kala ah:

1. Sgt William Jerome Rivers, oo 46 sano jir ah.

2. Specialist Kennedy Ladon Sanders, oo 24 sano jir ah iyo

3. Specialist Breonna Alexsondria Moffett, oo 23 sano jir ah.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA