Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Mareykanka oo Shaaciyay magacyada saddax Askar oo duqeyn looga dilay iyo sawiradooda

Talaado-30-jan- 2024-{HMC} Saddex askari oo katirsanaa ciidamada Mareykanka ayaa lagu dilay weerar loo adeegsaday diyaarad nuuca aan duuliyaha laheyn oo lagu qaaday saldhig ciidamada Mareykanka ku leeyihiin dalka Urdun , gaar ahaan dhinaca xadka uu la wadaago dalka Syria.

Weerarkan ayaa dowladda Mareykanka ku eedeysay in ay ka dambeeyeen maleeshiyaad hubeysan oo ku sugan dalalka Syria iyo Ciraaq, Mareykanka ayaana sheegay in kooxdaasi taageero ka hesho dowladda Iran.

War kasoo baxay milatariga Mareykanka ayaa lagu shaaciyay magacyada iyo sawirada saddexda askari ee lagu dilay weerarka ka dhacay Urdun, waxa ayna Mareykanka ku hanjabeen in jawaab ka bixin doonaan dilka askartaasi.

Askarta weerarka looga dilay Mareykanka ayaa kala ah

1. Sgt William Jerome Rivers, oo 46 sano jir ah.

2. Specialist Kennedy Ladon Sanders, oo 24 sano jir ah iyo

3. Specialist Breonna Alexsondria Moffett, oo 23 sano jir ah.

Mareykanka ayaana isha lagu hayaa jawaabta ay ka biin doonaan weerarkan looga dilay saddexda askari tiro kale oo badana looga dhaawacay, Madaxweyne Joe Biden ayaana horey ugu hanjabay in jawaab deg deg ah ka bixin doonaan dilka askartooda.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA