Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Nin xubinta taranka iska jaray isagoo hurda oo wax kale ku riyoonaya

Talaado-30-jan- 2024-{HMC}  Nin beeraley ah oo ku sugan waddanka Ghana ayaa isbitaalka ku jira isagoo xaaladdiisu ay aad u liidato kaddib markii uu si shil ah xubinta taranka isaga gooyay isagoo hurdaya.

Kofi Atta, oo isagoo sariirta isbitaalka jiifa, ayaa ka sheekeeyay sida ay wax u dhaceen. Waxa uu sugayaa in ay dhakhaatiirta ku sameeyaan qalliin.

Kofi ayaa sheegay in hadda la siiyay biyo badan, cirbado xanuun baabi’iye ahna lagu duray.

Balse waxa uu sheegay in uusan haysan lacag uu ku bixiyo xitaa gaarigii isbitaalka lagu geeyay.

‘Anigoo riyoonaya ayaan xubinta taranka iska jaray’

Ninkan ayaa sheegay in uu seexday xilli duhurnimo ah, markaas oo uu ku fadhiyay kursi. Wax yar markii uu hurday ayuu ku riyooday isagoo jarjaraya hilib hortiisa yaalla, si uu u karsado.

Balse isagoo aan weli hurdada ka kicin, riyadiina ku dhex jira ayuu si run ah jeebka uga soo baxsaday mindi waxa uuna si kama’ ah isaga gooyay xubinta taranka.

Atta ayaa sheegay in markii uu shilkan dhacay uu ka kacay hurdada balse uu aad u jah wareeray, ilaa ay labo qof oo deriskiisa ah ka caawiyeen.

“Ma garanayn sida ay wax u dhaceen. Dhiig badan ayaa iga baxay,” ayuu yiri.

Waxa uu sheegay in uu arrinta rumaysan waayay, dhankiisana uu u haystay inuu wali riyo ku jiro.

“Xaaladda dhabta ah waxaan ku baraarugay markii ay dadki i caawinayay i tuseen caddaynta ku saabsan in aan si run ah isaga gooyay xubinteyda taranka.”

Atta waxa uu intaas ku daray inuusan ogayn sida ay ku dhacday inuu mindida lasoo baxo.

Ninkan 47 jirka ah, oo kasoo jeeda magaalada Assim Akomfode ee gobolka Bartamaha Ghana ayaa aad u qayliyay marka uu xaqiiqda ogaaday.

Atta waxa uu ka mid yahay dadka iyagoo hurda sameeya waxyaabo aysan ka warqabin. Dadka cudurkaas qaba qaarkood way socdaan iyagoo hurda halka qaarna ay waxyaabo kale sameeyaan, sida in ay isku kaadiyaan, ama riyo xun arkaan oo ay qayliyaan.

Xaalad aad u badan waa in dadka qaar ay sheekeeyaan iyagoo hurda.

Mararka qaar haddii qof xaaladdaas ku jira aad la joogto waxay kula noqonaysaa in uu hurdada ka kacay, balse wali kama kicin. Arrinta kale ee cajiibka ah waa in dadkan aysan xasuusan wixii ay sameeyeen marka ay hurdada ka kacaan kaddib

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA